10 Calaamadood Ku Ogaan Kartid Wiilka Sida Dhabta Ah Kuu Jecel Waa Qish U Gaar Ah Gabdhaha!!

Qeybtii hore waxaan soo sheegnay 10 calaamadood gabdha sida dhabta ah wax u jecel lagu ogaan karo markaana waa wiilasha calaamadaha lagu garto hoos kaga bogo..

1-Goobaha waxbarashada xili hore ayuu imaana adiga dartaa maalinta maqantahay murug uma dhina.

2-gurigiina meelo udhow lagama waayo hadii aad isku xaafad tihiin dhowr jeer ayuu aqalkiina hortiisa soo maraa.

3-Marnaba ma quursado wiilka wax jecel si kastoo gabarey wiilkan u diido kaama haraayo waxuu isku dayaa qorsho cusub iyo hab cusub uu kugu soo jiidan lahaa.

4-Wicitaankiisa ayaa badan dhanka taleefaanka maba joogi karo isagoo kula sheekeysan maxaa yeelay waxbuu tabayaa waa qasab inuu kula hadlo maalintii ugu yaraan 2 jeer oo kala duwan (sheeko dheer taleefaanka ah).

5-Labiskiisa wuu kaala tashana mar-marka qaar hadii aad is fahamteen oo waa mid kugu aamina Style-kiisa sababtana waxay tahay si uu u ogaado dooqaada maalin walbana nooca aad ka hesho ugu labisto.

6-Marwalba uu kula kulmaayo waxuu ka fikiraa inuu caaqil yahay oo waxuu diida dhanka haasawaha inuu ku fashilmo markuu kula sheekeysanaayo waji ka waji sidaa darteed baa loo dhahaa Ragga inuu caaqil yahay ayee ka fikiraan halka dumarkana quruxdooda ka fikiraan markii kulan waji kawaji jiro.

7-Wiilka sida dhabta ah kuu jecel inta badan waa mid indhihiisa kaa qaadin balse badanaa indhahaada iyo dhoola cadeynta afkaada ayuu daawada oo uu jecel yahay halka midka jaceyl heenin ee wixiisa damac iyo rabitaan le ku eg uu gabadha ka daawado xubnaheeda kale ama jirkeeda qeybaha gaarka ah.

8-Farxad uma dhino wiilka marka uu arko gabadha uu jecelyahay oo qosleysa ama dhoola-cadeyneso gabaryahay wiilka qosolka u badi waa hub kamid ah waxyaabaha aad kusoo jiidan karto.

9-Aad buu kuu aamina ahmiyad gaar ah ayuuna kusiiya sido kale qofwalba aduu kaa hormariya mudnaan ahaan aduunka ayuuna ugu necebyahay adoo horjoogo in isaga la bahdilo ama wax laga sheego waxuu diida fikrad xun inaad ka fahamto dabeecadiisa.

10-Wiilka waxjecel labo mar ayuu beerka bad-bada ama walaac weyn muujiya kow marka gabadha jaceylkiisa ogen wuu silcaa habeenkii badana waxuu ku fikiraa qaabku jaceylkaas kuu fahamsiin lahaa wuuna muusowda mararka qaar.

Marka labaad ee beerka bad-bado ama walaac muujiyo waa marka uu kuu sheeganaayo jacelkiisa walaac iyo tiiraanyo ayuu dareema amee ku diidaa ayuu ku fikira dhididkiisana waa badan yahay xiligaas.

Qodobadan inta badan waxaa isku arkaan wiilasha jaceylka dhabta ah hayaan balse wiilasha waxooda damac kaliya ku egyahay iyo ku mood-mood qodobadaan ma arkaan.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Click Kusiiso Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Click Kusii Mahadsanid…