10 Filim Kuwaaso Aad La Yaabi-Doonto Inan Weli La Daawan

sameynta aflaamta waxaa mararka qaar ka dhacaya dhibaatooyin taaso ugu dambayn sababi karta in la dhamaystiri waayay duubista filimkan ama uu noqdo mid meel la iska dhigo oo la himaamo

midaasna waxaa u sabab ah dhibaato isfaham oo soo kala dhex-gasha soo saaraha filimka iyo hogaamiyaashafilimkan taaso badanaa dhibaatadaaas lagu sheegay inay tahay dhanka mushaarka

waana mid mar walba ay midaas dhacdo ay niyad jab ka qaadaan dad weynaha oo ku haminaayay inay daawadaan filimkaas waxan ku hayaa 10 Filim Kuwaaso soo wajahday dhibaatooyin kala duwan qasabtay inan weligood la daawan

fadlan hoos ka eeg liiska aflaamtaas

1. apna paraya (1972)

filimkan waxa uu noqon lahaa filimka ugu horeeyay ay shaashada ku midoobi lahayeen aktarada amithab bachachan iyo rekha laakiin taasi maysan dhicin ka dib 4 sano waxa ay ku midoobayn filimka do anjaane

2. deva (1987)

qof walba ayaa doonayay inay filim ku midoobaan director subhash gai iyo amithab bachachan laakiin marka ay duubista filimkan socday hal todobaad ayaa la joojiyay sababo aan la garanaynin

3. alishaan (1988)

filimkan waxa hogaamiye ka ahaa aktarka amithab laakiin marka ay duubistiisa ay socotay usbuuc ayaa la joojiyay duubsitiisa sababo dhibaato dhaqaalo ah

4. bandhua (1989)

waxaa filimkan markii hore la qorsheenaayay inay isla hogaamiyaan aktarada kala ah amithab bachachan iyo dharmendra iyadoo filimkaan duubsitiisa la dhamaystiray ayaa waxaa lala yaaban yahay sababta aan loo daawan filimkaan

5. sarfrosh (1979)

soo saare manmohan desai iyo amithab bachachan ayaa doonaayeen inay mar kale ku midoobaan hit kale maadaama Filimkooda amar akbar Anthony kaaso la daawaday sanadkii 1977 uu hit noqday

waxaana sidoo kale filimkan qayb ka ahaayeen aktarada parveen babi, rishi kapoor, kader khan iyo shakti kapoor laakiin nasiib xuma ma suurta-gelin in filimkaan la saaro tiyaatarada

6. tiger (1980)

filimkan waxaa hogaamiye ka ah aktarka amithab bachachan waxaana doorkiisa filimkaan uu yahay khoon pasina waana filim ka sheekaanayo xariirka ka dhaxeeya labo walaalo ah

laakiin dhibaatada keentay in filimkan la daawan waayo waxaa lagu sheegay in dhibaato oo dhanka isfahamka uu ka dhex dhacay hogaamiyaasha filimkan iyo soo saaraha filimkan

7. khudah gawah (1978)

kumaa arkay amithab bachachan oo cowboy ah?  waxaana mashruucan uu amithab duubay maalmo badan laakiin waxa loo joojiyay sababo aan la shaacin

amithab ayaa dib u qaatay magaca filimkan isagoo ugu magac daray filimkiisa khudah gawah kaaso la daawaday 1992 waxaana la waday atariishada sridevi

8. time machine (1992)

amir khan ayaa saxiixday filimkan waxaana uu filimkaan ka hadlayay mashiinka computers waxaana sidoo kale qayb ka ahaa aktarada raveena tandon iyo naseeruddin shah waxa la sheegay in dhibaatada filimkan diiday in la dhamaystiro ay tahay dhanka dhaqaale

9. zameen (1988)

filimkan waxaa la isugu keenay aktaro miisan culus sida mandhuri sanjay dutt sridevi vinod khanna laakiin soo saare rimesh sippy waxaa u suurta-gelin waysay in mashruucan uu dhaco lacagah qaaliga ay dalbaday labada atariisho ee kala sridevi iyo mandhuri dixit

10. Dus (1996)

salman khan iyo sanjay dutt ayaa duubayn muuqaalo badan oo filimkan ka mid ah iyadoo filimkaan ay ku jilaayeen labo ciidan oo indian ah kuwaaso dagaal la galaya kooxo burcad ah

laakiin dhibaatada filimkan ku dhacday waxaa u sabab aha geerida ku timid directorka filimkan ninka lagu magacaabo mukul anand kaaso geeriyooday sanadkii 1997