10-ka atoore ee Bollywood-ka ugu jiliinka wanaagsanaa 2018 (+Sawiro)

Sanad cusub ayaan galnay balse waa qasab in dib loo milicsado 12-bilood ugu dambeesay ama guud ahaan 2018 wixii ka dhacay Bollywood-ka si qiimeyn gaar ah loo sameeyo. Sidaa darteed waxaan idiin heynaa 10-ka atoore oo qaab jiliinka wanaagsanaa sanadkii tagay fanka Hindiya.

Bandhiga atoorayaasha laguma saleynin sida filimadooda guulo u gaareen ama ganacsi u sameeyeen balse waxaa lagu saleeyay saameynta adag oo ay shaashada la imaadeen iyo sida weyn oo ay amaan kala dul dhaceen kuwa filimada ka faaloodaan iyo dadka caadiga ah oo xitaa ku qasbanaaday inay amaanaan 10-kaan atoore.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka atoore ee 2018 la imaadeen qaab jiliinkii ugu sareeyay sidoo kalena ay qasab tahay qaar kood in lagu abaal mariyo doorarka dhibka badan oo ay mataleen:

Ranbir Kapoor, Sanju

Nawazuddin Siddiqui, Manto

Ayushmann Khurrana, Andhadhun

Vineet Kumar Singh, Mukkabaaz

Rajkummar Rao, Omerta

Vicky Kaushal, Manmarziyaan

Gajraj Rao, Badhaai Ho

Varun Dhawan, October

Saif Ali Khan, Kaalakaandi

Sohum Shah, Tumbbad

Aqriste doorarka sare ee atoore walbo lagu amaanay imisa filim ayaad ka daawatay oo aad qireysaa in atoorayasha bandhigooda heer sare ahaa Af Hindi ku daawo ama Af Soomaali ku daawo balse aragtidaada nala wadaag filimada sare inta aad ka daawatay iyo bandhiga atoorayaasha aad daawatay sida uu kula ahaa.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.