10-ka Jilaa Telugu Ugu Taajirsan: Halka Filim Lacagaha Ay Ku Sameeyaan Iyo Lacagaha Guud Ee Heystaan (+Sawiro)

Ma tahay qof taageero filimada Tollywood ama Telugu iyo jilaayaashooda Filimside waxay idin heysaa warbaxin xiiso leh oo ka hadlaayo jilaayaasha Telugu ugu awood badan.

Jilaayaasha koonfur Hindiya ugu caansan gaar ahaan kuwa Tollywood waxay sameynaayaan sare u kac waali ah ayagoo maamulo gobaleed ah.

Jilaayaasha waxay caan ka noqdeen wadamada Khaliij-ka USA Malaysia iyo wadamo badan oo daafaha caalamka ka mid ah waxayna samaynaayaan hor mar la taaban karo ayagoo heerkaas ay gaareen kaga mahdi naayaan jilaayasha awood badan ee shirkadooda ka tirsan.

Haddaba waxaa idin heynaa warbaxin ka hadleyso 10 jilaa Telugu ee ugu taajirsan 2019 halka filim lacagaha ay ku sameeyaan iyo lacagaha nadiifka ee heystaan.

1. Mahesh Babu

Image result for Mahesh Babu

Super Star Mahesh Babu waa jilaa awood badan oo taageerayaal fara bada leh wuxuu halkii filim ku sameeya 20+ crore $3.03 Million maadaama labo filim lagu qasaaray uu keenay hantida nadiifka ama hantida guud uu heysto waxaa lagu qayaasa $150 Milyan.

2. Pawan Kalyan

Image result for 2. Pawan Kalyan

power Star Pawan Kalyan waa mid ka mid jilaayaasha ugu taageeraha badan koonfur hindiya wuxuuna halkii filim ku sameeya 22+ crore $3.33 Milyan hantida guud uu heysto waxaa lagu qayaasa $120 Milyan

3. Jr NTR

Related image

Young Tiger Jr NTR waa jilaa awood ahaan sanadahaan danbe sare u kac weyn sameeyay asigoo halkii filim ku sameeya 22+ crore $3.33 Milyan hantida guud uu heysto sanadkaan waxaa lagu qayaasa $120 Milyan.

4. Prabhas

Image result for Prabhas

Jilaaga awooda weyn ku yeeshtay filimka Bahubali Rebel Star Prabhas wuxuu halka filim ku sameeya 25 crore $3.78 Milyan maadaama uu ku qaatay lacagtaas filimkiisa Bahubali 2 hantida guud uu heysto waxaa lagu qayaasa $96 Milyan

5. Ram Charan

 

Mega Power Star Ram Charan oo ka mid ah jilaayaasha ugu caansan koonfur Hindiya wuxuu halkii filim ku sameeya maadaam uu hoos dhac sameeya sanadahaan danbe 18+ crore $2.71 Milyan hantida guud uu heysto waxaa lagu qayaasa $185.71 Milyan

6. Allu Arjun

Image result for allu arjun

Stylish Star Allu Arjun waa jilaa awood badan oo caan ah halkii filim wuxuu ku sameeya 18+ crore $2.27 Milyan hantida guud uu heysto waxaa lagu qayaasa $110 Milyan

7. Ravi Teja

Image result for Ravi Teja

Mass Maharaja Ravi Teja jilaagan awood badan halkii filim wuxuu ku sameeya 10+ crore $1.51 Milyan hantida guud uu heysto waxaa lagu qayaasa $85 Milyan

8. Nandamuri Balakrishna

Related image

Super Star Nandamuri Balakrishna waa mid ka mid jilaayaasha ugu weyn koonfur halkii filim wuxuu ku sameeya 10+ crore $1.51 Milyan hantid guud uu heysto waxaa lagu qayaasa $ 45 Milyan.

9. Daggubati Venkatesh

Victory Daggubati Venkatesh halyeeygaan halkii filim wuxuu ku sameeyay 7+ crore $1.60 Milyan hantida guud uu heysto waxaa lagu qayaasa $30 Milyan

10. Akkineni Nagarjuna

Super Star-kaan weyn Akkineni Nagarjuna halkii filim wuxuu ku sameeya 7+ crore $1.60 Milyan hantida guud uu heysto waxaa lagu qayaasa $130 Milyan.

F.G waxaa liiskaan lagu soo darin Mega Star Chiranjeevi oo aan la ogeyn halkii filim lacagaha uu ku sameeyo maadaama sanadkii 2016 uu soo laabtay laakiin hantida guud uu heysto waxaa lagu qayaasa $115 milyan.

 

Dhamaad

waadku Mahadsantahay Aqriskaaga

 

 

 

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*