10-xaqiiqo oo u gaar ah Aashique 2 Actor Aditya Roy Kapur (+sawiro)

Aashique 2 Actor Aditya Roy Kapur wuxuu ka mid yahay atoorayaasha dhalinta yar ee xiligaan Bollywood-ka heestaan kuna wanaagsan sameynta aflaanta jaceylka iyo shactirada isku jiraan ah sidoo kalena karti badan.

Hadaba waxaan idiin heynaa 10-xaqiiqo oo u gaar ah Aashique 2 Actor Aditya Roy Kapur madaama marwalbo lagu xasuusan doono filimka Aashique 2 oo Blockbuster ah magac weyna ku yeeshay:

Xaqiiqada 1-aad: Aditya wuxuu kasoo jeedaa qoys Bollywood-ka saameyn ku leh hooyadiis Salome Roy Kapoor waxay hada ka hor ku guuleesatay Miss India ama gabadha ugu qurxoon Hindiya, awoowgiis Raghupat Roy Kapoor wuxuu ahaa filim soo saare hadana walaalkiis Sidharth Roy Kapur waa soo saare halka dumaashadiis ay tahay Vidya Balan. Aditya Roy Kapur qoys taajir ah ayuu kasoo jeedaa aabihiis waa reer Punjab halka hooyadiis Yahuudi tahay asal ahaan.

Xaqiiqada 2-aad: Aditya Roy Kapur wuxuu sheegay inuu jecel yahay sameynta aflaanta fariinta waaqiciga ah xambaarsan sidoo kalena aad u jecel yahay la shaqeynta Director-da waa weyn ee fariimaha waaqiciga sameyntooda looga haray sida Dibakar Banerjee, Vikramaditya Motwane iyo Vishal Bhardwaj balse isaga marwalbo fariin sahlan oo qayaali ah loo dhiibo!

Xaqiiqada 3-aad: Aditya riyadiisa ma ahayn inuu atoore noqdo ama Bollywood-ka kusoo biiro wuxuu jeclaan jiray inuu cayaaryahan Cricket-ka cayaaro noqdo, waligiisna kuma fikirin inuu atoore noqdo balse wax walbo si lama filaan ah ayay isku badaleen!

Xaqiiqada 4-aad: Aditya Roy Kapur gabadha uu ku riyoonayo inuu nolosha la wadaago ma ahan mid uu qarinaayo wuxuuna ku sifeeyay inay sidaan ahaato “Gabadha aan dooranayo waa inay ahaato mid carfeyso jir ahaan iyo dharkeedaba waayo carafta waa waxa kowaad ee la isku soo jiito, sidoo kale gabadhaas waa inay mid qurux badan ahaato quruxda waxaan ula jeedaa in sankeeda iyo wajigeeda isla eg yihiin hadii sankeeda uu wajigeeda ka dheer yahay aniga ma ahan qofka gabadhaas aqbali doono!”

Xaqiiqada 5-aad: Aditya ayaa sheegay inuu fasalka hingaada lagu barto galay si uu luqadiisa Af Hindiga u hagaajiyo ka hor inta uusan jilaa noqonin madaama ay aad  liidatay luqadiisa Hindiga fasiixa ah ku hadal ahaan.

La Soco Qaybta Labaad Xaqiiqooyinka Aditya Roy Kapur U Gaarka Ah Inta Harsan…….