Connect with us

WARARKA MAANTA

10 Xaqiiqo Oo U Gaar Ah Tamannaah Inta Badana Aan La Ogeyn Qaar Ka Mid Ah

Published

on

Tamannaah Bhatia waa atirisho koonfur India ka xamaalata sido kalena Bollywoodka usoo dalacday waxaana ka xasuusana aflaamta ay Bollywoodka kasameysay sida filmka Entertainment oo ay Akshay Kumar la hogaamisay.

Marka laga soo tago qaab jiliinkeda waxay meel kusoo martay quruxdeeda taaso kaliftay malaayid dad ah oo daafaha caalamka kunool inee quluubtoda hanato.

Hadaba maadama ay maanta tahay dabaal daga dhalashadeda xidigtaan waxaan idiin kaga heynaa 10 xaqiiqo oo u gaar ah kuwaaso dad badankooda aysan garaneynin.

Halkaan Hoose Kaga Bogo Xaqiiqada Gabadhan Quruxda Badan:

Xaqiiqada 1aad: Tamannaah waxaa door muhiim ah laga siiyay Filmka Bollywoodka ah ee Himmatwala kaaso ay door weyn ku laheed waxaana filmkaan la hogaaminaayey Ajey Devgan.

Xaqiiqada 2aad: Atirishadan ayaa filmkeedi ugu horeyay ee ay kasoo muuqata aha film Bollywood ah kaaso lagu magacaabo Chand Sa Roshan Chehra waxaana la daawaday sanadki 2005 wixii markaas ka dambeyay ayee Tamil iyo Telugu u shaqa doonatay.

Xaqiiqada 3aad: Waxay ku dhalatay kuna soo barbaartay Mumbai qoyskeda waxay ka koobanyihiin iyada, hooyaded oo lagu magacaabo Rajani Bhatia taaso ah xaas guri joogto ah iyo aabahed Santosh Bhatia kaaso ah nin dheymanka ka baayacmushtara iyo hal wiil oo ladhashtay kaaso lagu magacaabo Anand.

Xaqiiqada 4aad: Xiliyada ay fasax leedahay ama firaaqada tahay waxay xidigtaan jeceshahay akhrinta buugaagta dhageysiga Music da iyo isticmaalka internetka.

Xaqiiqada 5aad: Atirishadan waxay ku hadli kartaa luuqadaha kala ah English, Hindi, Marathi, Telugu, Tamil, Malayalam Iyo Sindhi asal ahaana waxay kasoo jeeda qoyska reer Sindhi.

Xaqiiqada 6aad: Cunooyinka ay xidigtaan ka hesho waa dhamaan cunooyinka la shiilay ama la dubay oo saliid lagu dubay nooc kasta ha ahaato cunadaas, dhanka kale waxay aad u jeceshahay labiska cad ama dhar cad inee ku labisato ayee jeceshahay.

Xaqiiqada 7aad: Xidigaha caanka ah ee ay taagerto waxaa kamid ah Mahesh Babu, Hritik Roshan, Preity Zinta iyo Madhuri Dixit halka aflaamta ay xiiseyso ay kamid yihiin, Mughal-E-Azam, DDLJ, Dil To Pagal Hai, Anand (telugu), Titanic iyo Life is Beautiful.

Xaqiiqada 8aad: Tamannaah waxay ku guulesatay abaal marinta koonfur India ee South Scope Award bandhigeed filmka  Kanden Kadhala sanadkii 2010 sido kale 7 jeer ayee u tartantay abaal marinta Filmfare Award shirkadaha Tamil iyo Telugu.

Xaqiiqada 9aad: Atirishadan ayaa asaxaabteda ugu yeeraan magaca Tammu naanees ahaan waana magaca ay ka hesho in loogu yeero.

Xaqiiqada 10aad: Diinta ay Tamannaah heesato waa diinta Hinduga waxbarashada ilaa Class-ka 12aad ayee ka gaartay umana suurta galin inee heer jaamacad u talaabsato.

Nolosha Jilayaasha

Xaqiiqooyin U Gaar Ah King Of Bollywood Aka Shah Rukh Khan Wax Qaas Ah Ka Ogow!!

Published

on

Shahrukhan waa mid kamid ah xidigaha dunida ugu guulaha badan waxaana uu ku helay taas magaca King Of Bollywood waxa aan halkan idinku soo gudbin doona 10 xaqiiqo oo aan dadka badankooda ka aqoon xidigaan.

1.Shahrukan oo hada ah mid kamida dadka ugu mushaharka badan dunida ayaa waxa uu filimkiisii u horeeyey ka qaatay lacag dhan 25,000rs oo u dhiganta $374.

2.Shahrukh khan waa actorka labaad ee dunida ugu qanisan lacagtiisuna waxa lagu qayaasa inkabadan $700 Million mararka qaarna shabakadaha qaar atooraha kowaad ugu taajirsan caalamka ayee ku magacaawan.

3.Mushaarkiisi u horeeyey waxa uu ahaa 50 rs waxaanay ka yar tahay $1, waxaanu shaqaystay 80kii kana helay Pankaj Udhas isaga oo ku tagay lacagtaas Taj Mahal.

4.Shahrukh khan mar ayuu hotel ka furtay xaafada Darya Ganj ee Delhi.

5.Aabihii waxa uu kamid aha dadkii ugu yaryaraa ee u dagaalamay halgankii dib u xoraynta hindia.

6.Marka uu qabanayo xafladaha Fauji iyo Circus ee ka dhaca Delhi waxa so waca Hema Malini iyo Harry Baweja si ay ula dhigaan bandhigyadaasi.

7.Aabihii waxa u dhintay isaga oo 15 sano jira halka hooyadii dhimatay marki u 25 sanno jir ahaa.

8.Shahrukh khan xili walba waxa uu ka hadlaa muhiimmada waxbarashada. waxa uu ahaa arday ku wanaagsan waxbarashada xiliyadiisii Collegeka iyo Dugsiyadii hoose

9.Shahrukh Khan magiciisa saxda ahaa waxa weeyi Abdul Rahman oo ay u bixisay hooyadiisi so korisay (Naani) laakin aabihii ayaan jeclaysan magacan una bixiyey Shahrukh Khan

10.In laga shaqeeyo Bollywood wa hawl adag, Laakiin ma ogtahay in Shahrukh khan uu hal maalin gudaheed bollywood kula saxeexday 5 filim oo isku xiga kadib marki laga mabsuuday jilistiisa ka hor intaanu bilaabin jilista Bollywood.

Dhamaad,

Waad Ku Mahadsantahay Aqriskaaga.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufo Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…

Continue Reading

Nolosha Jilayaasha

10-ka Atoore Ee Bollywoodka Katirsan Kuwaaso Dhanka Action-ka Looga Haray Qeybtii 2aad!!

Published

on

Bollywood Action Heroes ama geesiyaasha Action-ka Bollywoodka marka la dhaho lama tirin karo sababto ah atoorayasha inta badan waxay kusoo caan baxeen inee sameyaan aflaamtaa dagaal ah.

Hadaba waxaan idiin heynaa 10-ka atoore ugu caansan dhanka Action-ka kuwaaso isugu jiraan atoorayaal 90-kii Action-kooda caan ahaa iyo kuwa hader ku caan baxeen Action-ka dhankiisa ilaa bilawgii qarnigaan iska dheh.

Hadaba waxaan sii amba qaadena maqaalkena qeybtiisa labaad ahna qeybta ugu dambeysa hadi atoore aad rabtay liiskn ka weyso micnaheeda ma ahan in uusan ku wanaagsanen dhanka Action-ka balse 10-ka laso xulay unbaa lagu soo darin…..

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo 10-ka Atoore Dhanka Action-ka Looga Haray Bollywoodka Qeybtii 2aad:

John Abraham:

Murqaaniga Bollywoodka liiskan kartidiisa iyo dadaalkisa ayuu kusoo galay isagoo xiligaan kamid ah atoorayaasha Action-ka heerka sare ah sameyan.

Tiger Shroff:

 

Tiger Bollywoodkaba waxuu kusoo galay Action iyo xarakaad isagoo hader loo aqoonsady mid kamid ah atoorayasha aflaamta dagaalka looga haray waliba filmkiisa u dambeyay Baaghi 2 ayuu awoodisa meeshi ugu sareysay kusoo bandhigay.

Sanjay Dutt:

Baba of Bollywood iyo atoore looga haray ku dagaalanka labada bistoolo/biskoolad Sanjay Dutt waa mid kamid ah atoorayaasha dagaalka xabada aadka ugu wanaagsan.

80-kii, 90-kii ilaa iyo hada ayuu darajadan caan ku yahay jilaagan waana jilaa maqaam sare ka gaaray fanka hindiya.

Shah Rukh Khan:

Waad la yaabi doonta sababta King Khan liiskan ugu jiro isagoo ah atoore dhanka jaceylka ku wanaagsan balse saas ee tahay Shah Rakhu waa atoore aflaam Action ah sameyay hadana guulo lixaad leh gaarsiyay ilaa daawadayaasha ayba ku jecladen doorkisa dagaalka.

Aflaamta uu dagaalka heerka sare noocyadisa kala duwan kusoo bandhigay waxaa kamid ah Main Hoon Naa, Don, Don 2, Rao.One, Fan, Raees iyo kuwa kale.

Aamir Khan:

Aamir waa atoore dhanka Action-ka ku wanaagsan balse aan la dareensanen waxaana tusaale kuugu filan wacdarha uu ka dhigay aflamta kalaa ha Sarfarosh, Baazi, Ghajini iyo kuwa kale.

Dhamaad…

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufo Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…

Continue Reading

Nolosha Jilayaasha

Markii Katrina Kaif La Dooransiiyay Sedexda Khans Salman Khan-na Ay Dooratay!!

Published

on

Atirishada Katrina Kaif waxay kamid tahay atirishooyinka fara kutiriska ah ee sedexda Khans shaashada lasoo wadaagen hadana Big Hits la sameysay sedexda Khans aan ka hadleeno waxay kala yihiin Shah Rukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan.

Hadaba waxaa dhacday in atirishadan la dooransiiyo sedexda Khans iyo midka atooraha ugu wanaagsan ah sedexdooda sanadka waxuu ahaa 2007 xili ay ka qeyb galeysay showga Koffe With Karan oo ay Lara Dutt ku wehelisay.

Suaashan waxaa Katrina weydiyay Karan Johar oo barnaamijka daadihiye ka ahaa durba Katrina waxay magacaawday Salman Khan iyo inuu akteeda yahay Khan-ka ugu wanaagsan ama atooraha ugu wanaagsan.

Waxaa dhacday in Kat ay Sallu la sameysay aflaam Big Blockbusters noqdeen sida Tiger labadiisa qeybood sido kale xiligaas inee Sallu doorato wey ku qasbaneed maadama xiriir jaceyl kala dhaxeyay xiliyadaas.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufo Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…

Continue Reading
Advertisement
Nolosha Jilayaasha11 mins ago

Xaqiiqooyin U Gaar Ah King Of Bollywood Aka Shah Rukh Khan Wax Qaas Ah Ka Ogow!!

Nolosha Jilayaasha19 mins ago

10-ka Atoore Ee Bollywoodka Katirsan Kuwaaso Dhanka Action-ka Looga Haray Qeybtii 2aad!!

Nolosha Jilayaasha23 mins ago

Markii Katrina Kaif La Dooransiiyay Sedexda Khans Salman Khan-na Ay Dooratay!!

CIYAARAHA2 hours ago

Dhageyso barnaamijka LIVE NOW (23 May 2019) Warar Sport Update ah kaga bogo

Nolosha Jilayaasha2 hours ago

10-ka Atoore Ee Bollywoodka Katirsan Kuwaaso Dhanka Action-ka Looga Haray!!

Nolosha Jilayaasha2 hours ago

Wa Tuma Shikha Talsania Atirishada Filmka Veere Di Wedding Wax Badan Ka Ogow (+Sawiro)

Nolosha Jilayaasha3 hours ago

Suniel Shetty Wadnaha, Hema Malini Indhaha, Madhavan Kalyaha Iyo Xidigaha Bollywoodka Sadaqeesteen Xubnahooda Kadib Dhimashadooda Qeybtii 2aad (+Sawiro)

Nolosha Jilayaasha3 hours ago

Jilayaasha Bollywoodka Ee Asal Ahaan Miisankoda Culusaa Balse La Dagaalamen Caatana Iska Dhigeen (+Sawiro)

Nolosha Jilayaasha3 hours ago

Jackie Shroff”Waxaan Xidig Caan Ah Noqday Markii Amitabh Bachchan Caruurtisa Saxiix I Weydisteen”

Nolosha Jilayaasha3 hours ago

Marka Ay Dhacday In Amitabh Bachchan Diido Mushaar 10 Milion Rupees Uu Shah Rukh Khan Siiyay!!

Nolosha Jilayaasha3 hours ago

Waa Kuma Xidiga Cricket-ka Ciyaara Ee Kareena Kapoor Ka Hesho Balse M.S.Dhoni Iyo Rohit Sharma Midna Ma Ahan!!

CIYAARAHA4 hours ago

Daawo: Ileen Lacagta Halkaan Ayaa Laga Shabsadaa: 12 Ciyaar-yahan Oo Xirfado Gaar Ah Ku Nool!

WARARKA MAANTA4 hours ago

Big News: Suniel Shetty vs Rajinikanth oo filimka Darbar ku dagaalami doonaan!

CIYAARAHA15 hours ago

Daawo: Caawo iyo Kooxdaada Maxaa Ka Cusub?

Videos20 hours ago

Daawo: Priyanka oo Itoobiya timid, Arjun oo filimkiisa UAE laga mamnuucay iyo arimo kale.

BOX OFFICE6 days ago

5-Arimood oo sababaayo in Ajay filimkiisa De De Pyaar De guul weyn gaaro (+Video)

SHEEKADA FILIMADA6 days ago

Sheekada Filimka De De Pyaar De Ajay Devgn wuxuu la yimid sheeko dheeli tiran oo aan laga xiiso dhigeyn

WARARKA MAANTA7 days ago

Deg Deg: Jilaaga Caanka Ah Isaac Kappy Oo Is Dilay Balse Cafis Weydiistay Madaxweynaha Mareekanka Trump Iyo Sharciga Dalkaas!!

WARARKA MAANTA6 days ago

Kahor Tiger Shroff Disha Waxay Xiriir La Laheed Atoorahan Caanka Ah Dadka Badankoodana Kama Warqabaan!!

WARARKA MAANTA7 days ago

7 Atirisho Oo Bollywoodka Katirsan Kuwaaso Iyagoo Yar Hooyoyin Noqdeen Xitaa 30 Sano Aan Gaarin Qeybti 2aad (+Sawiro)

BOX OFFICE6 days ago

Morning & Noon Update: Filimka De De Pyaar De oo si dhex dhexaad ah ku furmay subaxdii balse Duhurkii ayuu sare u kacay

ARRIMAHA BULSHADA6 days ago

Warbixin ku saabsan taxanaha sida weyn loo sugaayo ee Afili Ask iyo sheekadiisa oo xiiso leh.

WARARKA MAANTA6 days ago

10 Xiriir Jaceyl Ee Dhexmaray Xidigaha Bollywood-ka Kuwaaso Ugu Naxdinta Badnaa Markii Mudo Dheer Oo La Qarinaayey (+Sawiro)

ARRIMAHA BULSHADA6 days ago

War aan u rooneyn dhagaha taageerayaasha Jilaaga Cagatay Ulusoy iyo atariishada Gizem Karaca kuwaasoo oo lagu xukumay xabsi min 9 bilood ah.

WARARKA MAANTA7 days ago

Atariishada Student Of The Year 2 Tara Sutaria Oo Amaan Kala Dul Dhacday Aktar ay Ku Tilmaamtay kan Ugu Shidan Bollywood-Ka, Waa kuma?

WARARKA MAANTA6 days ago

10 Xiriir Jaceyl Ee Dhexmaray Xidigaha Bollywoodmka Kuwaaso Ugu Naxdinta Badnaa Markii Dadka Ay Ogaaden Kadib (+Sawiro)

ARRIMAHA BULSHADA6 days ago

HAWEENEY IYADOO KOOMO KU JIRTA LAGU XAD GUDBAY

WARARKA MAANTA6 days ago

Jilayaasha Bollywoodka Ee Guursadeen Shaqsiyaad Taagero U Ahaan Jireen (+Sawiro)

WARARKA MAANTA7 days ago

Atariishada Weyn Kajol 25 Sano Ayey Fanka Ku Jirtay, Ma Rumeysan Doontid Inta Jeer Ee Ay Baajisay Duubis Film!

WARARKA MAANTA6 days ago

Qalaas Aarohi Oo Dhalo Caloosha Ka Gashay Dhiig Badana Ka Yimid, Netra Wey Geeriyootay, Deep Cidna Kama Guuleysan Karto Iyo Warar Kale!!

WARARKA UGU SHIDAN