CIYAARAHA WARARKA MAANTA

10ka tababare ee ugu fiican aduunka waqti xaadirkaan oo lasoo saaray. Yaa kaalinta koowaad kusoo baxay?

 

Qiimeyn ay sameysay shabakada Coach Reputation Ranking ayay kusoo saartay liiska 10ka macalin ee ugu fiican aduunka waqti xaadirkaan la joogo.

Halkaan hoose kaga bogo macalinkasta kaalinta uu galay iyo qiimeyntiisaba;

 

10- Kaalinta 10aad waxaa ku fadhiyo macalinka reer Italy Maurizio Sarri kaasoo qiimeyn ahaan la yimid 61,6./100.

9- Kaalinta sagaalaad waxaa fadhiyo macalinka reer Italy Carlo Ancelotti oo 60 jir ah wuxuuna helay qiimeyn 61,9/100.

8- Kaalinta sideedaad waxaa ku fadhiyo 47jirka Spanishka ah ee Unai Emery wuxuuna helay qiimeyn 62,1/100.

7- Kaalin todobaad waxaa ku fadhiyo 55 jirka reer Spain Ernesto Valverde asigoona helay qiimeyn 64,4/100.

6- Kaalin lixaad waxaa ku fadhiyo 49 jirka reer Argentina Diego Simeone kaasoo la yimid qiimeyn 71,5/100.

5- Kaalinta shanaad waxaa soo galay macalinka sida layaabka kooxdiisa sanadkaan ku tagtay Finalka UCL ee Mauricio Pochettino asigoona 47 jirkaan helay qiimeyn dhan 73,6/100.

4- Kaalinta afaraad waxaa soo galay 51 jirka reer Italy Massimiliano Allegri asigoona helay qiimeyn 75,7/100.

3- Kaalinta sadaxaad waxaa soo galay macalinka reer France Zinedine Zidane asigoo 47 jirkaan helay qiimeyn ah 77,6/100.

2- Kaalinta labaad waxaa soo galay macalinka reer Germany ee kooxdiisa sanadkaan ku hogaamiyay ku guuleysiga UCL Jurgen Klopp xili 52 jirkaan helay qiimeyn 80,1/100.

1- Ugu dambeyn kaalinta koowaad waxaa soo galay macalinka  reer Spanish Pep Guardiola wuxuuna 48 jirkaan helay qiimeyn 82,8/100.

Related posts

Mala Socotaa Inay Jiraan 6-Cudur Oo Aad Ka Qaadi Kartid Shumis Aad Sameysid Wadada Caafimaadkaada!!

Ali Aadan

Daawo: Isku aadka EPL oo holac ah, xanta BBCda iyo wargesyada Talyaaniga maxay qoreen

Zakarie

Waa kuwee 10-ka filim Ajay Devgn sameeyay ee sedexda maalmood ugu horeyso lacagaha ugu badan soo xareeyeen

Zakarie

Dag Dag; Manchester United oo heshiis shakhsi ah la gaartay daafaca Crystal Palace Arun Wan-Bissaka.

Cabdiraxmaan Anteeno

Is bar bar dhig lagu sameeyay Bharat vs Thugs Of Hindustan sida ay ku furmeen maalinta kowaad

Zakarie

Sonali Benre, Irrfan Khan, Manisha Koirala Iyo Xidigaha Caanka Ah Ee Cuddurka Kansarka Ku Dhacay

Ali Aadan