14-Filim Ee Super Star Salman Khan Hogaamiye Ka Ahaa Oo Dib U Dhac Ku Imaaday Qeybtii Koowaad!!

Super Star Salman Khan waa jilaa Bollywood-ka ka tirsan ku dhawaad 28-sano wuxuu sameeyay aflaan badan oo guulo gaareen iyo kuwa kale oo guul dareysteen.

Wuxuu ka mid yahay xidigaha hogaanka u haayo shirkadaan 25-sano ee u danbeysay haddaba mala socataa in jilaagaan uu saxiixday 14 filim oo sheeko ahaan kala duwan hadana ma dhacin in filimaantas la daawado ama dib dhac ku imaado.

Ran Kshetra

Ka dib guusha weyn uu gaaray filimka Maine Pyaar Kiya Salman Khan iyo Bhagyasree waxaa loo wada dhiibay filimka Ran Kshetra laakiin atariishada Bhagyashree ayaa guursaday sidaa daraadeed filimkaan wuxuu noqday mid liska iloobo.

Dil Hai Tumhara

Director  Rajkumar Santoshi. ayaa 1991 wuxuu filim xiiso leh la saxiixday Salman Khan, Sunny Deol iyo Meenakshi Sheshadri ka dib seddaxdaan jilaa ayaa isla duubay jadwalka koobaad ka dib Rajkumar Santoshi  ayaa saxiiday filim kale wuxuuna filimkaan u dhiibay Shekhar Kapoor Oo Boby Doel u sameeyay filimka Barsaat Ka dib filimka Dil Hai Tumhara wuxuu noqday filim meel liska dhigay gabi ahaanba.

Gherao

Ka dib filimka Dil Hai Tumhara,oo noqday mid liska iloobay Salman Khan wuxuu saxiixday filimka Gherao ee atariisho looga dhigay Manisha Koirala mar kale Rajkumar Santoshi ayaa director ka haa laakiin laguma bilaabin hataa wax duubis ah mar kale filim liska iloobay.

Aye Mere Dost

mashruucaan waxaa loo wada dhiibay Salman Khan , Divya Bharti, Karishma Kapoor iyo Rahul Roy filimkaan ayaan lagu bilaabay hees laakin ma noqanin filim duubistiisa sii socoto ka dib heesta filimkaan waxaa lagu dhax daray Filimka Salman Khan ee Majhdhar 1996.

Buland

Salman Khan Iyo Somi Ali, filimkaan waxay duubeen kala bar waqtigaasna xiriir ayaa ka dhaxeeyay laakiin filimkaan ayaa dib u dhac ku imaaday sabab aan la ogeyn.

Raam

Sohail Khan ayaa 1994 wuxuu doonaayay inuu director ka noqdo filimkiiisa ugu horeeyay filimkaas si wanaagsan ku bilawday laakiin kooxda qarash gareeya ka ahaa filimka ayaa si wadi waayeen mashruucan maadaam lacag aysan u heynin sidaa daraadeed filimkaan dib u dhac ayaa ku imaaday waxaana hogaamiye ka ahaayeen Salman, Anil Kapoor iyo Pooja Bhatt.

Chori Mera Naam

Filimkaan waxaa hogaamiye ka ahaa Sunil Shetty, Shilpa Shetty, Kajol iyo Salman oo door muhiim ah kulahaa filimkaan ayaa kala bar la duubay laakiin dib u dhac weyn ayaa ku imaaday sabab aan la ogeyn,

La Soco Qaybta Labaad 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*