14-Filim Ee Super Star Salman Khan Hogaamiye Ka Ahaa Oo Dib U Dhac Ku Imaaday (Qeybtii Labaad)

Super Star Salman Khan waa jilaa Bollywood-ka ka tirsan ku dhawaad 28-sano wuxuu sameeyay aflaan badan oo guulo gaareen iyo kuwa kale oo guul dareysteen.

Wuxuu ka mid yahay xidigaha hogaanka u haayo shirkadaan 25-sano ee u danbeysay haddaba mala socataa in jilaagaan uu saxiixday 14 filim oo sheeko ahaan kala duwan hadana ma dhacin in filimaantas la daawado ama dib dhac ku imaado

Raju Raja Ram

Filmkaan shactirada ah waxaa Director ka aha David Dhawan waxuuna ahaa film madadaalo dhamestiran ah maadama ay hogaamiyaal ka ahaayen Salman khan, Govinda iyo Jackie Shroff ayagoo ay ka dhaxeyso ama ay isku dagaalayen atirishada Manisha Koirala.

Sababo dhanka dhaqaalo oo la xariiray David Dhawan shirkadiisa aflaamta maal galisa aawged ayaa filmkaan dib loogu dhigay waayo qarashaad ayaa loo waayey waxaana dhacday in gabi ahaanba la iska hilmaamo ilaa hadana waa mashruuc meel iska yaalo oo qabyo ah.

Dus

salman khan iyo sanjay dutt ayaa duubayn muuqaalo badan oo filimkan ka mid ah iyadoo filimkaan ay ku jilaayeen labo ciidan oo indian ah kuwaaso dagaal la galaya kooxo burcad ah

laakiin dhibaatada filimkan ku dhacday waxaa u sabab aha geerida ku timid directorka filimkan ninka lagu magacaabo mukul anand kaaso geeriyooday sanadkii 1997

Aankh Micholi

ka dib markii la daawaday filimka Judwaa ayaa Salman Khan waxa uu saxiixday filim uu ku jilaayo door labo waji ah kaaso uu Director ka yahay Anees Bazmee laakiin filimkan waxaa laga samayn waayay horumar balaaran isagoo ugu dambayn meel layska dhigay

Jalwa

mashruucan waxa lagu mideeyay sadexda aktar ee kala ah Sanjay Dutt , Salman Khan Iyo Armaan Kohli sanadkii 1998 waxaaana filimkan Action ah Director looga dhigay ninka lagu magacaabo Ketan Dhawan kasoo waayay sadexdan markii uu go’aansaday inuu filimkan sheekadiisa u badalo mid qoyseed ah

 Sagar Se Gehra Pyaar

filimkan markii hore waxaa lagu dhawaaqay inay wada samayn doonan Salman Khan Iyo Atariishada Raveena Tondon

laakiin mashruucan waxa uu noqday  mid gabi ahaanba meel layska dhigay oo aan mar dambe lasoo hadal qaadin

Handsome

Salman Khan ayaa saxiixday filimkan sidoo kale waxaa mashruucan jaceylka sadex geesoodka lagu soo daray labada atariisho ee kala Sonaski Sangeeta Bijlani iyo Nagma

laakiin filimkan markii duubistiisa la bilaabi lahaa ayaa waxaa dib u dhac ku yimid aktarada filimkaas kuwaaso ku mashquulayn mashruucyo kale taaso kaliftay in ugu dambayn filimkan uu bur-buro

No Entry Main Entry

ka dib markii uu guuleystay filimka No Entry waxaa Director Anees Bazmee mar kale diyaariyay sheekada qaybta labaad ee filimkan isagoo hogaamiye kaga dhigay aktarka Salman Khan laakiin muddo ka dib waxaa la waayay warbxino ku saabsan filimkan kaaso la filaayo in meel layska dhigay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*