140 sano ayaa laga joogaa maalintuu dhashay caalimkii weynaa ee Albert Einstein, hadaba halkaan kaga bogo macluumaad u gaar ah iyo sawiro.

Maanta oo kale 1879kii waxaa dhashay oo aduunkaan kusoo biiray caalamkii weynaa misna looga haray cilmiga Fiisikiska ee Albert Einstein hadaba halkaan hoose kaga bogo macluumaad yar u gaar ah iyo sawiro;

Albert Einstein waxaa iska dhaleen aabo iyo hooyo yahuud ah asigoona ku dhashay wadanka Germany 14tii Maarso 1879kii.

Alberto Einstein inkastoo uu caalim weyn ahaa hadana wuxuu ku hadal bartay sanadkiisii 3aad.

Inkastoo uu kasoo jeedo qoys yahuud ah hadana wuxuu wax ku bartay madaraso kaatoolik ah oo diinta nasaarada taabacsan.

Ilaa iyo dugsiga dhexe wuxuu wax ku bartay wadanka Germany kadibna waxay u guureen wadanka Italy asigoona dugsiga sare halkaas ku dhameeyay.

Kadib Albert wuxuu u wareegsaday wadanka Swezerland asigoona jaamacada halkaas ku dhameeyay wuxuuna sidoo kale qaatay dhalashada wadankaasi.

1921dii wuxuu qaatay abaalmarinta caalamiga ah ee Nopel dhanka Fiisikiska.

Alberto sanadkii 1955tii ayuu geeriyooday kadib markii dhiig gudaha uga furmay waxaana u sabab ahaa xididada dhiiga oo barareen.

Halkaan hoose kaga bogo sawirada Albert Einstein oo yar sidoo kalana dhalinyaro ah ilaa uu waayeel ka noqday.