16-Jilaa Oo Bollywood-ka Ka Tirsan Kuwaas Oo Filimkooda Kowaad Door Caawiye Ah Ku Mataleen Qaybta 1-aad (+Sawiro)

Bollywood waa shirkada ayuu qof kastoo oo fanka jecel rabo inuu ku biiro sidoo kalena heer sare ka gaaro, hadaba jilaa kasto si riyadiisa ugu rumowdo marxalad kala duwan oo adag ayuu usoo maray.

Jilaayaasha qaar ee waalidiinta caanka ah garab ka heestaan waxaa u suura gashay inay si awood ku dheehan fanka kusoo galaan ayagoo filimo kala duwan hogaamiyaal looga dhigay

Balse waxaan idiin heynaa 16-jilaa oo caan ah kuwaas oo Bollywood-ka kusoo galeen inay door caawiye ah ama door aad u yar ku yeeshaan filimadooda ugu horeeyay:

Salman Khan (Biwi Ho Toh Aisi):

Haa ka hor inta uusan xidig weyn oo Bollywood-ka qabsaday noqonin wuxuu door yar oo caawiye ah ku matalay filimkiisii kowaad Biwi Ho Toh Aisi (1988).

 

ka dib waxaa u xigay inuu sameeyay filimkiisii aduunyada ka yaab saday ee All Time Blockbuster-ka noqday Main Pyaar Kiya kadibna atoore awood badan oo laga dambeeyo ayuu noqday.

Aamir Khan (Holi):

Wiilkaan wuxuu caan ku yahay filimkii Qayamat Se Qayamat Tak balse ka hor wuxuu door yar oo caawiye ah ku yeeshay filimkii Holi.

Weliba Aamir Khan doorkiisa Holi waxaa ku mar uu gabbar shumis la wadaagayo asigoo caato ah shaarbana loo yeelay inkastoo uu aad u dhalin yaraa!

Parineeti Chopra ( Ladies Vs Ricky Bahl):

xidigtaan door yar ayay ku laheyd filimkeedii kowaad Ladies Vs Ricky Bahl waxaana macquul ah in dadka aysan ka warqabin.

 

Balse waxay magac iyo mansab ku yeelatay filimkeedii xigay Ishaqzaade oo ay Arjun Kapoor lasoo caan baxday atirisho kowaadna ka ahayd asigoo noqday Hit weyn.

Ileana D’Cruz (Barfi):

Xidigtaan filimkeedii kowaad Barfi door caawiye ah ayay ku laheyd waxaana hogaamiyaal filimkaan ka ahaayeen Ranbir Kapoor iyo Priyanka Chopr, doorkeedii caawiyaha ahaa si wacan ayaa loogu amaanay.

 

 

La Soco Qaybta Labaad Jilaayaasha Caanka Ah Ee Filimkoodii Kowaad Door Caawiye Ku Lahaayeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*