2.0 Iyo Ganacsiga Adag Uu Todobaadkisa Kowaad Gudaha india Ka Sameeyay Qeybta Af Hindiga Lagu Daawaday !!

Mashruuca weyn ee 2.0 ayaa ganacsi adag sameeyay todobaadkiisa kowaad qeybta af hindiga lagu daawaday inkastoo arbacadii shalay ahed uu hoos u dhacay 18% marka talaadadii lala bar bardhigo.

Waxuu todobaadkiisa kowaad keenay 130 Crore waana ganacsi adag kaliyana qeybta af hindiga looga daawaday gudaha India ayuu ganacsigan ka sameeyay filmkaan waana filmkii labaad ee koonfur India ah kaasi oo si waali ah waqooyi kaga gadmaya marka Baahubali 2 laga yimaado.

Dhulalka Bihar, Delhi/UP ayuu si weyn kagagadmaya mashruucan halka Mumbai xoogaa ku yaro liito ayadoo la filaayey in Mumbai iyo Pune ganacsi taariikhi ah ka sameyn doono maadama suuqyo waaweyn yihiin.

Mashruucan 175 Crore ayuu qeybta af hindiga lagu daawaday ka keeni doona cimri ahaantisa qayaas ahaan waxaase macquul ah inuu 200 Crore ka talaabsado maadama todobaadkiisa labaad ilaa axada uu ganacsi adag sameyn karo.

2.0 waa Blockbuster aan la celin Karin sida BOI ku tilmaamtay waxuuna haya wadadii uu Blockbuster ku noqon lahaa dhanka kale ganacsigiisa guud gudaha India luuqad walba hader lama saadaalin karo.

Jimcadisa labaad ganacsiga uu sameeyo ayaa wax walbo laga ogaan kara iyo halka uu hiigsanaayo mashruucan fadlan halkaan hoose kaga 2.0 iyo mudo todobaad ganacsiga qeybta af hindiga lagu daawaday uu ka keenay.

Khamiis-20 Crore

Jimco-18 Crore

Sabti-24 Crore

Axad-33.25 Crore

Isniin-13.50 Crore

Talaado-11.50 Crore

Arbaco-9.50 Crore

Wadarta Guud: 129.75 Crore (Trade Figure)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*