20-ka Atirisho 90-maadkii Bollywoodka Caanka Ahaayen Maantana Magacooda Xita La Ilaaway Q.2-aad (+Sawiro)

Kaliya atoorayaal ma ahan waxa 90-kii soo caan baxeen hadana la ilaaway ee waxaa jiraan atirishooyin badan oo Bollywoodka soo mareen tobankaas sano hadana darajada Star-nimo aanan gaarin oo film gadi waayen si deg deg ahna calankooda ku dhacay.

Wey badan yihiin atirishooyinkan balse waxaan kasoo qaadanaya 20-kooda ugu caansan ayaga dhexdooda  dadkana inta badan waji ahaan aqoonsan karaan.

Halkaan hoose kaga bogo 20-ka atirisho la isla hilmaamay ee 90-maadkii caanka ahaayen filmadana kasoo muuqan jireen qeybtii labaad…

Mayuri Kango:

Mayuri 90-maadkii ayee aflaamta kasoo muuqan jirtay waxayna kasoo muuqatay filmada kala ah Hogi Pyaar Ki jeet, Papa Kehte Hain iyo kuwa kale balse nasiibkeda ayaa xumaa ma aysan noqonin atirisho aqoonsi hesho xidigna noqota markii dambe Tv-yada ayee u bedelatay shaqadeeda..

Neha:

20 Bollywood actresses from the 1990s who failed to make it big

Atirishadan waxaa lagu amaanay filmkii Karee bee ay Bobby Deol la jishay waxay kaloo kasoo muuqatay filmkii Fiza sikastee ahaataba calankeeda ayaa iska dhacay kadib markii daawadayaasha ku qanci waayen gabadhaan magaceeda rasmiga ah waa Shabana Raza waxay guursatay Manoj Bajpayee film jilistana wey isaga fariisatay..

Farheen:

20 Bollywood actresses from the 1990s who failed to make it big

Waxay fursad u heshay inee atirisho ka noqoto filmada ay kamidka yihiin Sainik, Jaan Tere Naam iyo kuwa kale balse filmadeeda oodhan wey guul dareesteen markii dambena film jilista wey isaga baxday ayadoo guursatay Cricket yaqaanka Manoj Prabhakar.

Ayesha Jhulka:

20 Bollywood actresses from the 1990s who failed to make it big

Inta badan waa caan atirishadan waxay sameesay filmo badan 90-maadki waxaana kamid ah Jo Jeeta Wohi Sikandar Waxaana 90-kii loo garanaayey atirishadii Pehla Nasha, Rang, Suraj, Khiladi, Sikandar iyo kuwa kale balse Ayesha aqoonsigii ay rabtay wey heli weyday..

Ashwini Bhave:

Waa atirisho reer Marathi ah inta badan sameesa filmada Marathi-ga ilaa hada markee Bollywoodka soo gashay waxay ku bilaawatay FIlmkii Heena markii ay aragtay in aysan waxba ka keenenin halkaan ayee Marathi-geda u laabatay..

Lasoco Qeybta Sedexaad…

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Click Kusiiso Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Click Kusii Mahadsanid…