21 Years of Ustadon Ke Ustad: Maanta oo kale Mithun iyo Jackie Shroff waxaa Flop ka noqday filimka Ustadon Ke Ustad

Waxaa kasoo wareegatay 21-sano markii la daawaday filimka Soomaalida agtooda HIT-ka weyn ka ah Ustadon Ke Ustad ee Mithun Chakraborty iyo Jackie Shroff wada sameeyeen balse sida dhabta ah mashruucaan waa FLOP madaama uu soo celin waayay lacagihii lagu qarash gareeyay ama kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Filimka Ustadon Ke Ustad wuxuu soo baxay maanta oo kale 20 Maarso 1998 waana filim caan ah oo daawashadiisa laga xiiso dhigeyn haddaba sida uu FLOP ku noqday macluumaad dhameestiran oo ku aadan hoos kaga bogo waxaana kasoo xiganay shabakada Boxoffice India (BOI):

Director: T.L.V. Prasad

Jilaayaasha: Mithun Chakraborty, Jackie Shroff, Madhoo, Vineeta iyo kuwo kale.

Tiyaatarada laga daawaday: 150

Maalinta kowaad lacagta uu keenay: 27 Lakh

Sedexdiisa maalmood ee ugu horeyso lacagaha uu keenay: 73 Lakh

Todobaadkiisa kowaad lacagaha uu keenay: 1.19 Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay – 2.25 Crore

Lacagaha nadiifka ah ee uu keenay – 1.83 Corre

Lacagtaan hadii sicirka maanta lagu jaan gooyo – 18.75 Crore

Lacagaha uu keenay canshuurta ka hor – 3.16 Crore

Lacagaha uu suuqyada caalamka ka keenay – $7k

Tirada tikit u goosatay – 1-malyan 875,000 qof

Lacagaha kooxda cajaladaha qeybiyeen ka heleen – 73.35 Lakh

Natiijadiisa: Flop

Qiimeynta IMDB Rating – 4.8/10

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.