25 Sano Ka Dib Shilpa Weli Way Xasuusataa Marka Uu Shah Rukh Khan Uu Kasoo Tuuray Dabaqa Dheer

shilpa shetty iyo kooxda baazigar ayaa u dabaal-dagaya 25 sano guurada kasoo wareegatay goortii la daawaday filimkaas waana filimka ay kusoo caan baxday

shilpa ayaa sheegtay inay si fiican u xasuusato muuqaalka ui shah rukh khan iyada kasoo tuurayo dhismaha shilpa ayaa hadda ku sugan magaalada hong kong

iyadoo la qaybsanaysaa farxada aktarada kala ah kajol iyo shah rukh khan taaso ku aadan dabaal-daga 25 sano guurada kasoo wareegatay goortii la daawaday filimkaas

shilpa oo ka hadlaysay muuqaalkaas ayaa tiri “waa markii ugu horeesay ee aan shaashada horteeda ku sameenayay muuqaal dhimasho ah waxaana markii hore ahaan mid naxsan laakiin shah rukh khan ayaa ayaa i dhiiri-geliyay si aan u muujiyo geesinimo iyadoo midaas si weyn ay isaga kaga mahad-celinayso”

 

laakiin shilpa ayaa sheegtay iyadoo kaftamaysa inaysan shah rukh khan u tagi-doonin isagoo jooga dhismo dheer madaama ay sheegtay inuu kasoo tuuraayo waana hadalo kaftan ah

 

waxaana muuqaalkaas uu noqday mid saamayn weyn ku leh filimkaas baazigar waxaa la daawaday sanadkii 1993 waxaa director ka ahaa ninka lagu magacaabo abbas mustan waana markii ugu horeesay ee shah rukh khan uu jilaayay door xumaan ah isagoo filimkaas ku qaatay aktarka sanadka

1 Comment

  1. Abbas mustan bro halnin ma ahn e waa laba nin oo walaalo ah xitaa waa izku dhar, dhar cada cad bay mr walba xidhaan. Mhd sanidiin waaa iga xasuusin

Comments are closed.