250 Crore Kaliya Ku Qaado 40 Maalin Hubanti La ‘aan Amir Khan Waa Aktarka Ugu Weyn Dalka India

Amir Khan Hadda waxaa lagu tilmaama aktarka ugu shacbiyada badan dhanka dibadda sababtoo waxaa jira dalal kuwaaso si qaas ah u daawadaan aflaamtiisa waana aktarka caan ah

iyadoo aktarkan dhawaan u noqday aktarka loogu doon-doonis badan yahay isagoo hadda saxiixay sadex heshiis kaaso uu ku qaadanaayo lacago gaaraya 250 crore wama heshiiskii ugu qaalisanaa ee shaqsi la galo shirkad

Amir Khan waxa Heshiis qaali ah u saxiixday sadex shirkadood oo  kuwaaso qarash-gareeyeen horyaalka Cricket dalka india kaaso loo yaqaano Indian Premiere League waxaana heshiiskaan uu socon dooma kaliya 40 maalmood

Amir Khan waxa heshiis u saxiixay shirkadaha soo saara teleefoonada loo yaqaan Smart phone taaso ka mid ah shirkadaha qaybta ka ah Indian Premier league isagoo Heshiis la gaaray sanadkii hore laakiin howsha waxa ay bilaaban doonta sandkan

Amir Khan ayaa waxa uu sawiradiisa lagu soo daabici doonta kabaha , dharka , fanaanada isagoo xitaa loo samayn doono boorar weyn si dadka loogu soo jiido ciyaaraha Cricketka

Amir Khan ayaa waxa uu sidoo kale soo fadhiisan doona Tv-yada inta lagu guda jiro ciyaaraha horyaalka Cricket dalka india isagoo noqon doona Ambassador ka horyaalkan dhanka Tv-ga

1 Comment

Comments are closed.