3 Atariisho oo caanka ah bollywoodka kuwaaso ka hanti badan Ninamkooda

Waxaa jira tiro ka mid ah atariishooyin badan kuwasso ka tirsan Bollywood kuwaaso aflaamtooda kasbadayn lacago crores ama rupees boxx office india waana mid kor u qaadaysa awooda atariishooyinka

iyadoo xiligiii hore ay jirtay farqi weyn oo dhanka mushaarka kaaso u dhaxeeya aktarka iyo atariishada  Laakiinse haatan waxaa si weyn u yaraanaya farqigaas maadama dhawaanahan si weyn loo balaariyay doorka dumarka ay ku leeyihiin fanka bollywoodka

Haddaba, atariishooyinka waxaa soo baxay atariishooyin dalbanaya in filimka lagu siiyo lacagaha aktarada ay qaataan Maanta waxaan ku haya arrin xiiso badan kaaso  saddex ka mid ah atariishooyinka Bollywoodka kuwaas oo ka taajirsan  ninamkooda.

1. Farah Khan

farah khan waxa ay ku caan baxday samaynta dance-ga Heesaha iyadoo dance u sameesay heeso badan sidoo farah khan waa director caan ah Iyadoo sameesay dhawr filim oo guuleystayn sida happy new year , main hoon na iyo tees maar khan

farah khan waxa ay guursatay filimkeeda main hoon na wiilka u qaabilsanaa dhanka editor ninka lagu magacaabo Shrish Kunder kaas ay ka weyn tahay 9 sano waxaana farah hantideeda lagu qiyaasay inay dhan tahay $8 million

2. Bipasha Basu

Bipasha Basu waa 40 sano jir ah Iyadoo guursatay Aktarka lagu magacaabo Karan Singh Grover sanadkii 2016. Waana guurkii sadexaad uu galo Karan

Karan Singh Grover waxa uu sadex sano ka yar yahay  Bipasha sidoo kale labadan lamaane waxa ay ku wada nool yihiin guri raaxo kaaso ay leedahay Bipasha halka Karan leeyahay guri dabaq ah oo kaliya. Bipasha ayaa waxa ay haysata hantida gaaraya 100 crore ($ 15 million)

3. Aishwarya Rai

Aishwarya Rai waxa lagu tilmaama mid ka mid ah gabadhihii ugu quruxda badnaa ee lagu arko dunida Aishwarya Rai iyo Abishek Bachchan waxa ay wada nool yihiin muddo ka badan 13 sano iyagoo is-guursadayn sanadkii 2007

Aishwarya Rai waxa ay ka hanti badan tahay ninkeeda Abishek Bachchan maadamaa ay fanka kaga saamayn badnayn waxaana atariishadan hantideeda lagu qiyaasay inay dhan tahay $30 million