4 Aktar kuwaaso  dhaawac soo gaarayn dhawaanahan ayagoo shaqo filim ku guda jiraan laakiin diidayn inay nasiino qaatan (+Sawiro)

Inta badan waxaa la aaminsan yahay in aktarada hawsha ugu sahlan filimada ka qabtaan sidoo kalena halista iska ilaaliyaan.

Balse arinkaas xaqiiqo ma ahan waayo waxaa jiraan atirishooyin halis weyn u bareereen sidoo kalena muujiyeen inay sameyn karaan ficil kasto oo halis ah sida atoorayaasha looga bartay oo kale.

Hadaba waxaan idiin heynaa dhawaanahan aktaro dhaawac soo gaaray xili ay shaqo filim u guda jireen qaarkoodna dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray laakiin waxa ay si amba qaadayn duubistooda maadaama ay diidayn inay nasiino qaataan

1.  ranveer singh

ranveer singh waa aktarka ugu tamarta badan bollywoodka aktarka ayaa waxaa dhawaac kasoo gaaray garabka xili uu ciyaaraya sidoo kale aktarkan waxa uu xiligaas duubis ku waday filimka gully boy

iyadoo kooxda filimkan ay ranveer singh siiyeen fasax iyo waqti uu kusoo kabsado laakiin aktarkan ayaa diiday arrinkaas isagoo maalintii xigtay bilaabay duubsita filimkaas

2. akshay kumar

akshay kumar waxaa dhaawac daran kasoo gaaray gacanta xili uu duubaayay ficil qatar ah oo qayb ka ah filimka kesari waxaana dhakhtarka xiligaas Akshay Kumar kula taliyay inuu iska aado mumbai si uu usoo nasto

laakiin akshay kumar wuu diiday arrinkaas isagoo go’aansaday inuu duubistiisa iska sii wato maadaama akshay kumar marnaba uusan doonayn inuu waqti ka lumo

3. Alia Bhatt.

Xidigtaan dhalinta yar waxaa dhaawac daran uu kasoo gaaray lugteeda midig xilli ay duubaysay muuqaal action oo ku jirta filimkeeda brahmastara atariishadan ayaa

iyadoo dhakhtarka u qoray inay muddo ka nasato jiliinka si dhaawaceeda u bogsoodo laakiin alia labo maalin ka dib waxa ay iska soo xaadirisay goobta lagu duubaayo filimkaas taaso la yaab ku noqotay qof walba

4. kartik aryan

aktarkan dhawaan galka ah ayaa waxaa soo dhaawac muruq ah xilli uu duubaayay filimka dhawaan tiyaatarada loo saari doonaa ee luka chuppi

waxaanaa director filimkaas kartik aryan u sheegay inuu nasiino qaato sidoo kale uu aado gurigiisa laakiin kartik aryan aya arrinkaas kasoo horjeestay isagoo kaliya nastay saacadooyin yar ka dib waxa uu sii amba qaaday duubista filimka isagoo xiligaas duubaayay hees ka mid ah filimkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*