4-filim oo waa weyn ayaa shaaca laga qaaday xiliyada la daawanayo labo ka mid ah Ajay ayaa hogaamiye ka ah

Subaxan Bollywood-ka waxaa siweyn loo hadal hayaa afar filim waa weyn oo shaaca laga qaaday xiliyada la daawan doono si rasmi ah waxaana xusid mudan labo filim oo ka mid ah in Superstar Ajay Devgn hogaamiye ka yahay wuxuuna halyeegaan ku jiraa xili dahabi ah ayadoo dhawaan sanadkan Big Hit u noqday filimka Total Dhamaal.

Ajay Devgn filimkiisa dagaal yahanka uu ku jilaayo ee taariikhiga ah Tanhaji: The Unsung Warrior ayaa dib loo dhigay xiliga la daawan lahaa horey qorshaha wuxuu u ahaa in la daawado 22 Nov 2019 balse haatan waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay mashruucaan Kajol iyo Saif Ali Khan doorar muhiim ah ku leeyihiin in la daawan doono 10 Jan 2020.

Filimka jilaayaasha badan la isugu keenay Pagalpanti oo ay hogaamiyaal ka yihiin Anil Kapoor, John Abraham, Ileana D’Cruz, Arshad Warsi, Pulkit Samrat, Kriti Kharbanda and Urvashi Rautela qorshahana ahaa markii hore in la daawado 6 Dec 2019 ayaa haatan lasoo hormariyay daawashadiisa waxaana si rasmi ah shaaca looga qaaday Director Anees Bazmee filimkiisa in la daawan doono 22 Nov 2019.

Filimka jaceylka sedex geesoodka ah Pati Patni Aur Woh ee sedexda dhalinyar hogaamiyaha ka yihiin Kartik Aaryan, Bhumi Pednekar and Ananya Pandey waxaa horey loo qorsheeyay in la daawado 10 Jan 2020 balse haatan waxaa lasoo hormariyay waxaana si rasmi ah loo daawan doonaa 6 Dec 2018.

Ugu dambeyntii filimka weyn Bhuj The Pride Of Indi ee hogaamiyaal ka yihiin Ajay Devgn, Sanjay Dutt, Sonakshi Sinha, Parineeti Chopra, Rana Daggubati and Ammy Virk ayaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in la daawan doono 14 Aug 2020 waxaana Director ka ah Abhishek Dudhaiya.

Dhamaan afartan filim waxay ka siman yihiin in shirkada weyn T-Series maal galineyso waxayna go’aan ku gaartay shirkadan inay xili hore filimadeeda waqti u doorato si ay suuq geyn xoogan ugu sii sameyso.