5 Atariisho Oo Salman Khan Jaceyl Filim Kula Wadaageyn Waxaa Ka Yaabin Doona Da’da Ay Jirayn Markuu Salman Khan Usoo Baxaayay Filimkiisa Ugu Horeesay

salman khan waa aktarada ugu awoodda badan bollywoodka 10 sano ee lasoo gudbay isagoo aflaamtiisa ay sameeyaan hadal-hayn isagoo sanad walba gil-gila boxx office ka

Salman Khan waxa uu dhashay sanadka 1965 waana 52 sano isagoo fanka bollywoodka ku soo biiray 30 sano ka hor isagoo kusoo caan baxay filimka lagu main pyaar kiya

ka dib salman ayaa noqday mid maqaam sare ka gaaro fanka isagoo yeeshay taageerayaal fara badan taasi taageerayaashiisa ay u badan yihiin gabdhaha

salman khan waxa uu lasoo shaqeeyay atariishooyinka hore kuwii dhexe iyo kuwa maanta ugi fiican gudaha bollywoodka laakiin waxaa ka yaabin doona markaad ogaato 5 atariisho oo caan ah oo salman khan jaceyl kula wadaagayn shaashada horteeda meeqo ayay jireyn markii salman khan usoo baxaayay filimkiisa ugu horeeyay ee main pyaar kiya iyadoo aad lasii yaabi doonto in mid ka mid ah atariishooyinka ay xiligaas jirtay kaliya 4 bilood

haddabe yaa ka mid ah liisk atariishooyinkas

1. katrina kaif

katrina kaif waxa ay dhalatay sanadkii 1983 waxa ay xiligaas jirtay kaliya 5 sano markii salman khan uu fanka kusoo biiraayay sidoo kale katrina kaif waxa ay salman khan jaceyl kula wadaagtay nolosha dhabta ah sidoo kale waxa ay Jaceyl kula wadaagtay aflaamta kala ah ek tha tiger, tiger zinda hai iyo aflaamo kale oo badan

2. sonakshi sinha

sonakshi waxa ay dhalatay sanadkii 1987 iyadana waxa ay jirtay kaliya 1 sano markii salman khan usoo baxaayay filimkiisa ugu horeeyay ee main pyaar kiya sonakshi waxa ay salman khan jaceyl kula wadaagtay filimka dabbang labadiisa qaybood

3. sonam kapoor

curuda aktarka anil kapoor waxa ay dhalatay sanadkii 1985 sonam 3 sano jir ayay ahayd xiligaas iyadoo salman khan jaceyl kula wadaagtay filimka prem ratan dhan payo sanadkii 2015

4. anushka sharma kohli

atariishadan tayada badan ee anushka waxa ay dhalatay 1988 laakiin waxaa ka yaabin doona in xiligaas anushka kaliya ay ahayd 4 bilood waxaana salman khan la sameesay filimka sultan

5. Jacqueline Fernandez

quruxleyda u dhalatay dalka Sri Lanka waxa ay dhalatay sanadkii 1985 jacqeuline ayaa xiligaas waxa ay jirtay kaliya 3 sano ka dib waxa ay salman khan jaceyl kula wadaagtay filimka kick