5-jilaa oo Bollywood-ka ka tirsan kuwaas oo hada xayeysiimaha ugu badan gacanta ku heestaan

 

Kama hadleyno awoodda aktarada bollywoodka ku haystaan sida Salman Khan Iyo Amir Khan iyo jilaayaasha kale ee awooda fanka Hindiya mudada dheer ku lahaa sida Akshay, Ajay, Hrithik balse waxaan ka hadleynaa kuwa Jilyaasha si weyn ugu macaasheen dhanka xayeesiinta.

Sidaa darteed shirkadaha kala duwan ee ganacsiga waxay jecel yihiin inay xayeysiin u dhiibtaan jilaayaasha dadka soo jiitaan xili gaar ah ama marka ay guusha saaxiib la yihiin.

Sidaa darteed shabakada Koimo waxay soo bandhigtay 5-jilaa oo hada xayeysiimaha ugu badan gacanta ku heestaan sidoo kalena daqli wacan xayeysiimaha ka helaan:

Ranveer Singh:

waa xidig soo jiidasho badan sidoo kalena xishoodka meel iska dhigay wuxuu gacanta ku heestaa hada 7 ilaa 8-xayeysiin oo uu shirkado caan ah gudaha Hindiya iyo caalamka ka hawl galaan.

Shah Rukh Khan:

kani wuxuu noqday jilaa ugu magaca weyn shirkada Bollywood ka  sidaa darteed shirkadaha oo dhan ayaa doon doonaan la shaqeyntiisa wuxuuna hada gacanta ku heestaa 6 ilaa 7-xayeysiin.

Taapsee Pannu: 

xidigtaan cirka mareyso kadib guushii filimadeed Pink iyo Judwaa 2 waxaa miiska loo soo saaray 14-xayeysiin oo kala duwan laakiin 6-xayeysiin ayay ka dooratay inta kalena waxay ku tilmaantay kuwo bulshada wax u dhibayaan hadii ay fariin ahaan u gudbiso.

Alia Bhatt :

qurux, karti iyo guulo joogto ah ayay isku darsatay waxayna haatan gacanta ku heesataa 8-xayeysiin oo kala duwan kuwo kalena wey iska diiday madaama ay arimo kale ku mashquulsan tahay.

Shraddha Kapoor: 

gabadhii Aashique waa mid shacbiyad balaaran ku leh dhalinta dhexdooda aadna loo jecel yahay waxayna haatan gacanta ku heesataa 6-xayeysiin oo kala duwan.