5 Mar Oo Ay Dhacday In Laadirka Filimka Uu Ka Saamayn Badnaado Atooraha Filimka

shirkadda bollywoodka waa shirkada kaliya ee samayso filimo leh tayo jilitaan taaso isku dheeli-tiran waana shirkad loogu bartay inay dadka madadaaliso maadaama aflaamteeda ay leeyihiin shactiro qiiro iyo heesooyin kuwaaso dadka si weyn usoo jiidan karaan

iyadoo xiligii 90s bollywoodka uu caan ku ahaa aflaamta action waxaana laga maarmaan ah in filim walba uu kasoo muuqdo laadar caan ah kaaso si weyn ula xifaaltama atoorayaasha sida amrish puri, gulshan grover , dannny , shakti, leeb iyo shaqsiyaad kale oo badan

laakiin laadiriintaas doorarkooda waa kuwa xadidan oo qof walba hore ka fahmi karo madaama fagto hore laadarka uu awood badan yahay halka dhamaadka atooraha uu guuleysanaayo waana mid dadka ay weligood taageeri jirayn wejiga wanaagsan iyagoo kasoo horjeesan jirayn wajiga xumaanta laakiin waxaa maanta ku hayaa 5 laadar kuwaaso ay u suurta-gashay inay ka saameyn filimka kaga saamayn badnaadaan atooraha filimkan hogaaminaya

1. shah rukh khan filimka darr

Shah Rukh Khan aya waxa uu noqday laadirkii ugu horeeyay ee sunny doel filim kaga samayn badnaada isagoo aktarkan filimkan uu ku soo bandhigay hab-jiliin aan caadi ehen kaasoo SRK mudo badan lagu xasuusto

isagoo aktarkan uu badalay maskaxda daawadayaasha xiligaas maadama aflaamtii hore lagu yaqiinay in aktarkan xilli walba loo sacab-tumo ama la xiiseeyo laakiin  dad weynaha Hindiya aad u jeclaaden kadib markee daawaden SRK oo qaab khaldan jaceyl ku raadinaya

2. hrithik roshan  filimka dhoom 2

hrithik ayaa waxa uu door-xumaan ku jilay taxanaha dhoom qaybtiisa labaad  sidoo kale waxaa doorka atarooha la siiyay aktarka abishek bachchan laakiin hadal-haynta filimka iyo sacabka waxaa qaatay aktarka hrithik roshan iyo doorkiisa aryan maadaama dhan walba uu kaga awood badnaa abishek sida action iyo qiyaanada waxaana filimkan hrithik shirkada filmfare ku siiyay abaal-marinta  aktarka ugu wanaagsan sanadkii 2006

3. ashutosh rana filimka dushman

haddii si daacada loo hadalo ashutosh oo soomaalida u taqaano abdull ayaa waxa uu filimka dushman kusoo bandhigay mid ka mid ah doorarkii laadarnimo  ugu cabsida badan isagoo qayb weyn ku laha sheekada  filimkan inta badan maadama sanjay dutt filimkan uu ku jilaayay door camoolinimo

ashutosh ma ahan laadar leh xoog ama murqo waa weyn laakiin waa mid ka mid ah laadiriinta ugu qatarsan gudaha bollywoodka

4. nana patekar  filimka angaar

Nana Patekar waa jilaa aan jiliinkisa inaba caadi aheyn sida uu filimkan u jilay iyadoo mar la mooda inuu yahay nin waalan isagoo mar walba isticmaala hadalo xeeladaysan iyo maskax ku duugan sir fara badan waxaana loo si weyn u hareeyay aktarka filimkaaas ee jackie shroff kaaso la moodo inuusan filimka hogaamiye ka ahayn

5. ajay devgan filimka khakhee

kani waa mid ka mid ah aflaamta aan ugu jeclahay aktarka ajay devgan isagoo filimkan ku xarakeeyay iyadoo ay kula jiraan aktaro badan oo caan ah sida amithab bachachan, Akshay Kumar iyo tushar kapoor laakiin intaas waxaa hareeyay bandhiga iyo xarakada aktarka ajay devgan kaaso filimka iska maamulanaayay ilaa iyo dhamaadka filimka

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*