5 Xaqiiqo Cadeynaysaa Inuu Soo Dhawaaday Waayaha Aktarka Shah Rukh Khan

shah rukh khan ayaa mar kale dib shaashada ugu soo laabtay ka dib hal san iyo bar uu hawada ka maqnaa isagoo markaan la yimid  filim  zero iyadoo la filaayay in dadka ay soo dhawayn doonan filimkan maadaama ay si weyn ugu xiisayn aktar-kan

laakiin mashruucan ayaa noqday filim gabi-ahaanba ay iska diidaan  daawadayaasha waxaana ku dhacay qasaaro ba’an iyadoo shah rukh khan oo hore la dhibtoonaayay in filim hit dhamaystiran noqdo sameeyo waxaa ugu dambeeysay 4 sano ka hor oo markaas filimka happy new year uu u noqday super hit

ka dib xiligaas shah rukh khan waxa uu sameeyay aflaamta gaaraya ilaa iyo 5 kuwaaso xitaa hal filim uusan boxx office ka noqonin hit dhamaystiran waxa ayna aflaamtaas kala yihiin dilwale , fan ,dear zindagi raees , jab harry met sejal . shah rukh khan ayaa sanadahan dambe waxa uu sii luminaya magacii uu soo tabcaayay mudo 28 sano ku dhawaad

1. Doorashada Xumada Dhanka Iyo Aflaamtiisa

sanadahan ugu dambaysay shah rukh khan waxa uu sameeyay aflaamo aan tayo lahayn kuwaaso si weyn ay ugu caroodayn taageerayaasha aktarkan sanado badan u sacab-tumaayeen isagoo kaliya u go’ay samaynta door romantic ama jaceyl kaliya

kuwaaso si weyn u fashilmayn waxaana ka mid ah sida aflaamta jabb harry met sajal , dilwale , raees iyo zero intan filim shah rukh khan waxa uu ku jilay hal door waana sababata dadka ay ugu caajisayn aktarkan

2. Da’diisa Oo Sii Korartay

shah rukh khan da’diisa waxa ay sii caga-cageenaysaa 53 sano iyadoo aktarkan uusan awoodin inuu sameeyo door qaar taaso ay u diidayso da’diisa weyn shah rukh khan waxa uu fanka bollywoodka ka tirsan yahay muddo aad u fara badan

Iyadoo aysan macquul ahayn inuu aktarkan awoodo inuu sameeyo doorar u samayn jiray toban sano ka hor midaaso aysan u suurta gelin karin jirkiisa iyo muuqaalkiisa

3. Isagoo Dhexda Ka Galay Tartan Culus

haddii lagu weydiiyo su’aal ah sheeg shaqsiga ugu awooda badnaa bollywoodka 30 sano ee lasoo gudbay iyadoo hore afkaaga ku dhawaaqaayo magaca king of bollywood ama shah rukh khan maadaama aktarkan uu soo qaatay waayo qurux badan isagoo xiligaas aysan jirin aktar isaga lala bar-bar dhigi jiray laakiin 10 sano ee ugu dambaysay waxaa bollywoodka ka dhacay is-badal weyn

waxaana soo baxay awoodda aktaro badan sida salman khan amir khan akshay kumar iyo aktaro fanka ku cusub sida ranbir kapoor, ranveer singh iyo varun dhawan taaso qadka ka bixisay aktarka shah rukh khan kaaso awoodi waayay inuu aktaradan wax la qayb-sado

4. Ma Ahan Mid Ka Faa’ideysta Qibradiisa Sida Amir Khan Oo Kale 

shah rukh khan waxaa lagu tilmaama inuu yahay aktar leh qibrad weyn maadaama fanka uu ku guda jiray muddo aad u fog laakiin waxaa lala yaabay isagoo ah aktar weyn sida uu u fakiray

maadaama uu kala fahmi la’yahay waxa soo jiidan kara taageerayaashiisa isagoo ku qaldanaa samaynta filimka sida zero oo kale kaaso aan lahayn u jeedo loo daawado waana mid aktarkan uusan si fiican ugu fakirin samaynta filimkan

5. Isagoo Dhawaanahan  U Batay Dhanka Iyo Ganacsiga

awood-darida shah rukh khan sanadahan dambe waxaa lagu sababeenaya inuu aktarka ka weecday samaynta aflaamo badan oo tayo leh maadama shah rukh khan mudooyinkan dambe uu muujiyay inuu yahay shaqsi ku fiican dhanka iyo ganacsiga

isagoo abuurtay shirkad maal-gelisa aflaamta taaso lagu magacaabo Red Chillies Entertainment taaso ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn ee soo saara aflaamo badan waxaa Srk halkaas kasoo gashay hanti fara badan