53-jir (Salman) Inuu Jaceyl La Wadaago 26-jir (Alia) Suura Gal Ma Tahay Filimka Inshallah

Subaxan Bollywoodka waxaa hadal heyntiisa qabsadeen Salman Khan Iyo Alia Bhatt oo lagu dhawaaqay inee sameeyn doonan Director Sanjay Leela Bhansali Filmkiisa xiga ee Inshallah kaaso fariin jaceyl xiiso leh ah.

Arinka dooda kataagan maanta ee baraha bulshada iyo meel walba lagu hadal hayo ayaa ah 53 jir Salman Khan siduu jaceyl ula wadaagi karaa 26 jir Alia Bhatt isku jiil ma ahan da’ahaana wuu dhali karaa xidigtaan.

Dad badan ayaa ku doodayaan in macquul ahen labadan xidig shaashada inee jaceyl kuwada sameyaan balse Bhansali wax walbo macquul ayuu kaaga dhigi karaa horey uma dhicin in Sallu gabar uu da’ahaan intaan dhan ka weyn yahay uu shaashada jaceyl kula wadaago.

Farqiga sanadaha u dhaxeyaan waa 27 sano balse da’du waa tiro markii shaashada la joogana xidig walba waxuu ku dadaala inuu kaga dhabeeyo doorkiisa sido kale Bhansali waxaa laga rabaa inuu Salman u ekeeysiiyo muuqaal nin 35 jir ah ugu badnaan.

Mashruucan waa fariin qiiro badan misane jaceyl ah waxaana la daawan doonaa 2020 balse waqtiga rasmiga ee cayiman wali shaaca lagama qaadin dabcan Sallu xili fasax ah ayuu inta badan mashaariicdiisa saartaa tiyaatarada.

Akhriste adiga ahaan fikirkaada ka dhiibo sidee kula tahay aragti ahaan inee shaashada ku wadaagi karaan jaceyl Salman Khan oo 53 jir ah iyo Alia Bhatt oo 26 jir ah misane isku jiil aheen da’ ahaana uu dhali karo.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…