6 Jilaayaal oo Bollywood kuwaaso qayb ka noqday aflaamo Orginalka ah  Iyo Kuwa Laga Copied Gareeyay Labadooda

Aflaamta Remakes ah ee dib loo sameeyo ayaa waxa ay dhawaanahan noqotay mid ay ku faa’idaan dhamaan shirkadaha kala duwan ee dalka India maadaama laga helo ganacsi wacan

Bollywood waxa uu maalmahan dambe uu ku mashquulsan yahay inuu dib usm sameeyo aflaamta blockbusterada ah oo ay hore u sameeyeen dhanka iyo koonfurta

xitaa waxaa jira aflaamo hore oo classic kuwaaso ay hore u sameeyeen bollywoodka ka dibna ay gadaal ka copied gareeyen sida don , agneepath iyo kuwa kale oo badan laakiin dhamaan aflaamtaas waxaa hogaamiye looga dhigay aktaro cusub laakiin maanta waxaan ku hayaa aflaamo asalka iyo aflaamta laga soo min guuriyay kuwaaso ay hogaamiye ka yihiin aktaro isku mid ah

1.  Amithab Bachchan


Jilaaga rug cadaaga ahaa waxa uu door  taariikhi ah ku lahaa filimkii sholay laakiin a mega starkan ayaa ku fashilmay markii isku dayay inuu copied gareeyo doorkii Amjid Khan ee filimkii Sholay

amithab aya waxa uu qayb ka noqday filimka Ram Gopal Verma ki Aag kaaso filim remake kaaso laga soo copied gaeeyay filimka sholay sidoo kale Amitab Bachchan ayaa qayb ka noqday labada filim laakiin markan waxa uu si weyn ugu fashilmay inuu sameeyo doorkii Gabbar

2. R. Madhavan

aktarkan dadaalka badan ahaa waxa uu jaceyl ka wada  helay dhamaan shirkadaha kala duwan ee dalka India sida Bollywood-Ka iyo koonfurta R. Madhavan filimkiisa ugu horeeyay ee bollywood  Wuxuu ahaa filimka Rehna Hai Tere Dil Mein

kaaso ah filim laga soo copied gareeyay dhanka iyo Tamilka kaaso lagu magacaabo Minnale  laakiin labadan filim waxaa hogaamiye ka ah isla aktarkan R. Madhavan

3. Asin

atariishadan nasiibka badan ayaa waxa ay sanadkii 2008 waxa ay kusoo caan baxday filimkii weynaa ee Ghajini kaaso uu hogaamiya ka yahay aktarka Amir Khan filimkan ayaa waxa uu wacdaro ka dhigay boxx office isagoo noqday filimkii ugu horeeyay ee gaara darajada 100 crore

laakiin filimkan waxaa laga soo mid guuriyay filimka Tamilka ah ee lagu magacaabo Ghajini kaaso la daawaday sanadkii hore 2005 sidoo kale  asin qayb ayay ka ahayd labada filim

4. Sonu Sood

sonu sood waxa uu markii hore iska ahaan jiray aktar sameeya doorka shactirada laakiin ka dib filimka dabbang waxa uu noqday aktar caan ku ah doorka xumaanta

isagoo laadar ka noqday dabbang iyo filimka laga min guuriyay kaaso ah osthe isagoo si wacan kaga soo muuqday labada filim

5. Bhumika Chawla

Bhumika waxa ay bollywoodka kusoo gashay filimka Run kaaso uu la waday aktatka Abishek Bachchan laakiin filimkan waxa uu ku fashilmay boxx office dhanka bollywood

laakiin marka laga dhigay Telugu (yuvakudu) waxa uu hit ka noqday dhanka iyo koonfurta iyadoo bhumika ay atariisho ka noqotay labada filim

6. Prakash Raj ( See Rabta)

ninkan waa mid ka mid ah aktarada ugu xirfada badan gudaha india isagoo si weyn dadka kaga yaabiya shaashada horteeda iyadoo soomaalida u taqaano magaca See Rabta

Prakash ayaa waxa uu sanadkii 2006 door xumaan ah ku jilay filimkii Teleugu ahaa ee Pokiri kaaso uu hogaamiya ka yahay Mahesh Babu sidoo kale waxa uu mar kale Prakash laadar noqday markii filimkan laga dhigay bollywood sanadkii 2009 kaaso loo bixiyay wanted waxaana hogaamiye looga dhigay aktarka awoodda badan ee Salman Khan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*