6 Sano Oo Ay Isla Noolaayeen Ka Dib Saif Ali Khan Ayaa Shaaciyay Shayga Kaliya Uu Ku Necban Yahay Xaaskiisa Kareena Kapoor

Saif iyo Kareena waxay kamid yihiin lamaanayaasha Bollywoodka ugu caansan looguna jecelyahay in badana waa lawada ogyahay jaceylkooda iyo habkii ay isku guursadeen intaba.

Sido kale waa lamaane shaashada ku midoweyn oo oo aflaam dhowr ah wada sameyeen bandhigoda shaashadana laga wada helay aflaamta ay wada sameyeen waxaa kamid ah Omkara, Agent Vinod, Kurbaan, Tashan iyo kuwa kale.

Mudo 6 sano ah ayee wada nool yihiin waxaana u jooga wiil kudhowaad 2 sano jir ah oo lagu magacaabo Taimur Ali Khan kaaso dhashtay sanadkii 2016 dhamaadkeeda waana wiil baraha bulshada si weyn looga jecel yahay

sida aan la wada socona saif ali khan iyo kareena kapoor waa kuwa ka mid ah lamaanayaasha aadka isugu dhow waxaana ka dhaxeeya xariir adag laakiin saif ali khan oo ka qayb-galaayay showga koffe with karan ayaa la weydiiyay xitaa haddii ay hal shay uu necban yahay kareena isla markiiba saif ali khan ayaa sheegay oo yiri haa way jirtaa arrin aan ku necbanahay kareena kapoor kaliya hal jeer maahan waana dhacdo maalin waliba

 

 

iyadoo arrintaas ay tahay inay kareena kapoor ka wel-welida ay si daran ugu wal-washo wiilkeeda taimur khan marka ay shaqada joogto marka ay guriga joogto waa isku mid waxay u malaynaysaa inuu xanuunsan yahay

waxa ayna hadalkaas kusoo celisaa mar walba iyadoo aan dareemi karo jaceylka ka dhaxeeya hooyo iyo wiilkeeda laakiin ka wal-walida heerkaas waxa uu sababaa xanuunyo dhanka maskaxda”

dhanka shaqada saif ali khan filimka ugu dambeeyay ee lagu arko waxa uu ahaa filimka bazaar waxa uu hadda shaqo duubis ku wadaa filimka tanaaji