6 Xaqiiqo U Gaar Oo Aan Ka Aqoon Atariishada Muranka U Saaxiibka Ah Kangana Ranaut

Kangana ayaa waca ay maanta u dabaal-dagayso dhalashadeeda 32 iyadoo dhalatay 23-kii Maarso 1987 waana xidig maanta fanka Hindiya maqaam sare ka gaartay sidoo kalena daafaha caalamka shacbiyad balaaran ku leh.

Sidaa daraadeed Waxaan idiin heynaa xaqiiqooyin xidigtaan gaar u ah oo in badan la sheeg sheegin fadlan hoos kaga bogo:

1. Kangana waxay kasoo tagtay gurigeeda iyo waalidiinteeda ayadoo 16-sano jirto waxayna imaatay magaalada Mumbai oo aysan qof ehel ah ku laheyn, hadafka Kangana wuxuu ahaa inay Model-ka heer ka gaaro kadibna atirisho noqoto si dhaqsi ah ayay riyadeeda ugu hirgashay.

2. Kangana ma ahayn dooqa kowaad ee filimkeedii ugu horeeyay Gangster oo sanadii 2006 la daawaday, waayo kooxda iska leh filimkaan atirishada Chitraganada Singh ayay la rabeen laakiin dhanka lacagaha ayay ku heshiin waayen kadib sidaas aya Kangana mashruucaan ku calfatay oo ay magac ku heshay abaal marinta atirishada ugu wanaagsan ee Bollywood-ka ku cusbeyd sanadii 2006.

3. Kangana Ranaut xirfadeeda filim jilista kaliya kuma ekeyn sidoo kalena magaalada New York ayay kusoo baratay sida sheekooyinka filimada loo qorayo waana xirfad xidigtaan haatan aad ugu xeel si wacana isaga aqriso doorarka loo soo bandhigo.

4. Atirishadaan 30-jirka ah sedex jeer ayay ku guuleesatay abaal marinta jilaa kasto ku riyoodo National Film Awards iyo filimada ay ku qaadatay hoos kaga bogo:

2008: National Film Awards Best Supporting Actress – Fashion

2015: National Film Awards Best Actress – Queen

2016: National Film Awards Best Actress – Tanu Weds Manu Returns

Sidoo kalena atirishada ugu wanaagsan ee shirkada Filmfare Awards bixiso waxay ku qaadatay filimkeedii Queen.

5. Kangana Ranaut sidoo kalena xidigtaan filimada shirkada Koonfur Hindiya ayay wax ka sameesay waxayna sameesay filim Telugu ah sanadii 2009 ee lagu magacaabo Ek Niranjan iyo filim Tamil ah oo ay sanadii 2008 sameesay laguna magacaabo Dhaam Dhoom.

6. Kangana Ranaut waa atirishada kaliya ee filim hogaamiye ka ah oo filimkaas 100 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyo waxayna darajaas ku heesataa filimkeedii hirgalay Tanu Weds Manu Returns kaasi oo sanadii 2015 gudaha Hindiya Blockbuster weyn ka noqday sidoo kalena soo xareeyay 148 Crore lacago sare u dhaafayaan.

Dhamaad