7 Filim Hollywood Oo Horror Ah Oo Laga Ganaaxay Dalal Badan Sabab Ah Cabsida Badan Darteed

hollywoodka waxa ay sameeyaan Aflaamo sheeko kala duwan leh waxaana ka mid ah kuwa horrorka waana midka si weyn dad qaar ay u Jecel yihiin sida aflaamta ah vampire ka ama zombies ka

laakiin waxaa jira aflaamo horror kaasi aan la daawan karin sababo la xariira muuqaalada ama saameynta sheekadiisa oo si kale loo dhigay waana mid dadka aysan ku raaxeysan karin daawashadiida midaas darteed

waxan maanta ku hayaa maqaal ah 7 filim horror  oo hollywood ee la kulmay gaanaax ah inan dalal badan aan laga daawan karin midaaso lagu dhaleeneeyo sheekadiisa oo maskaxda iyo indhaha u roonayn

fadlan hoos kaga bogo warbixinta 7 filim

1. Faces of Death

filimkan waxaa la daawaday 1978  waana filim cabsidiisa ay xad-dhaaf tahay midaas darteed filimkan waxaa laga ganaaxay 40 dal inan laga daawan karin sanadkaas xiliigaas dad badan uu qarow cabsi ah ku riday

2. The Evil Dead

kani waa filim cabsi ah uu directer ka yahay ninka lagu magacaabo sami raimi waxaana la daawaday sanadkii 1981 filimkan waxa uu badanaa muuqaaladiisa lagu sameeyay qolal

kuwaaso ka sameesan alwaaxyo iyadoo xilli walba ay cabsida joogta tahay iyadoo bahalada ay meel walba kasoo galayaan taasi oo wadan xanuun sababi karta

3. Freaks

filimkan qiyaanada iyo cabsida iskugu jirto ayaa waxaa laga ganaaxay dalalka kala ah united kingdom Ireland iyo dalka talyaaniga waxaa midaas sabab u aha in filimkan ay jilaayaal ka yihiin dad gaagaaban midaaso si qaldan loo isticmaalay waana mid loo diiday in dalalkaas laga daawado

4. The Last House On The Left

filimkan waxaa la daawaday 1972 waxaa laga ganaaxay wadamo badan ay ka mid yihiin uk australia iceland norway malaysia new zealand iyo singapore filimkan sheekhadiisa ayaa waxa ay tahay mid xun

taaso oo ah gabar 18 jir waxaa jirdilaya oo ciqaabayaan waakidkeeda ka dib gabadhan ay dib usoo laabanayso iyadoo bahal ah waxa ayna ka aar-goosanaysaa waalidkeeda oo weilba si arxan darro ah

5. The Taxas Chainsaw Massacre

filimkan waxaa la daawaday sanadkii 1974 laakiin ma ahan filim dunida oo dhan laga wada daawan karo waxaana laga ganaaxayin Laga daawado wadamada australia brazil chile Finland france iceland ireland norway singapore sweden uk germany malaysia iyo new zealand

waana filim ka hadlaya qoys kaaso gabar ay gurigeeda oo ku yaala meel baadiyo ah keenaysa asxaabteeda markaaso waalidiinteeda ay yihiin kuwa dadka gowraca ee cuna taaso mid mid u u cunaya asxaanteeda

6. Salo Or The 120 Days Of Sodom

filimkan la daawaday 1975 waxaa lag ganaaxay wadamo fara badan oo ay ka mid yihiin australia iran new zealand singapore sri lank italy finland malaysia germany uk norway waana mid sheekadiisa aan fiicnayn

taasi oo ah in la afduubayo wiil yar xilli ay ahayd dhamaadka dagaalkii labaad ee dunida taasi oo wiilkan la jirdilaayo lana ciqaabayo xitaa waxyaabo anshax-xumo loo geeysanaayo waana mid aan sinnaba loo daawan karin

7. The Human Centipede

filimkan waxaa la daawaday sanadka 2011 waana mid kaliya laga daawaday gudaha mareekanka ka dib marka laga ganaaxay dal walba oo caalamka ka mid ah waxaana uu ku saabsan yahay sheekadiisa wiil xanuunsan

kaasi oo u arka farxadiisa inuu dadka gowraco waxaana uu leeyahay kawaan weyn oo dadka suro iyadoo qaybta koowaad ee filimkaan uu ahaa mid caadi ah oo la daawan karay laakiin kani waa mid aan hal mar xitaa la daawan karin