7 Jeer Oo Ay Dhacday In Shah Rukh Khan Inuu Dhulka Ku Jiido Filimo Ay Hogaamiye Ka Yihiin Aktaro Waa Weyn Kuwaaso Tiyaatarada Lala Saaray

Shah Rukh Khan wuxuu ku caan yahay in loogu yeero SRK, Shah Rukh Khan Waa Mid Ka Mid Ah Aktarada Ugu Wanaagsan Taariikhda Fanka india sidoo kale shah rukh khan lagu tilmaama aktarka ugu shacbiyada balaaran akatarada india

Inta badan saxaafada waxay ugu yeertaa  “Baadshah of Bollywood”, “King of Bollywood” ama “King Khan” wuxuu wax ka jilay in ka badanMajalada Los Angeles Times waxay ku tilmaantay inuu yahay “the world’s biggest movie star” oo micnaheeda yahay xidiga ugu weyn ama ugu caansan aduunyada! 80-filim

Shah Rukh Khan Inta uu fanka bollywoodka ku jiray waxa uu lasoo kulmay dagaal fara badan isagoo si weyn ay u xifaaltamayn qaar ka mid ah aktarada ugu caansan gudaha bollywoodka iyadoo sanadahan dambe aan aragnay  in mararka qaar shah rukh khan boxx office ka  lagu garaaco taaso ay ugu wacan tahay inay dhamaad ku dhow-dahay waqtiga aktarkan

laakiin shah rukh khan waxa uu soo maray xilli ay la loodi karin isagoo dhulka ku jiidi jiray aktarada ugu awoodda badan kuwaaso aflaamta shah rukh khan tiyaatarada la saaray jirayn haddaba aan aragno Shah Rukh Khan iyo aktarada uu ku garaacay boxx office ka

1. Kuch Kuch Hota Hai ( All Time Blockbuster) Vs Bade Miyan Chote Miyan ( Hit )

waqtiga la daawaday : 16 october 1998

kuwaani waa labo filim oo classic laakiin markii 16 october 1998 tiyaatarada laysla saaray waxaa awood badiyay aktarka shah rukh khan

maadaama filimka kuch kuch hota hai uu keenay 46,86 crore  halka filimka ay ku midoobayn amithab bachachan iyo govinda isagana uu keenay  19,19 crore

2. Mohabbatein ( Blockbuster) Vs Mission Kashmir ( Average)

waqtiga la daawaday : 27 october sanadkii 2000

midoobida sanjay dutt , jackie shroff , hrithik roshan iyo preity zinta waxa ay dhulka la galay shah rukh khan iyo filimkiisa mohabbatein

kaaso boxx office ku garaacay filimka laysugu keenay aktarada badan mohabbatein ayaa waxa uu xiligaas soo xareeyay lacago dhan Rs 41.88 crore halka mission kashmir isagana uu keenay 22.98 crore

3. Veer Zaara ( Super Hit ) Vs Aitraaz ( Average)

waqtiga la daawaday :12 november 2004

tani waa mid la iska ogaa maadaama shah rukh khan oo ku jira waayihiisa ugu wacnaa aya waxa uu ku dul istaagay filimka Aitraaz kaaso ay hogaaminayeen aktaro waa weyn

sida Akshay Kumar ,Priyanka Chopra iyo Kareena Kapoor filimka Veer Zaara oo Super Hit ayaa waxa uu soo xareeyay lacago dhan Rs 41.86 Crore halka Aitraaz oo average noqday uu keenay 15.58 crore

4. Om Shanti Om ( Blockbuster ) Vs Saawariya ( Disaster )

 

waqtiga la daawaday : 9 november sanadkii 2007

shah rukh khan oo ka mid ah aktarada ugu caansan gudaha bollywoodka ayaa waxa uu si weyn ugu tuntay filimka ay hogaaminayeen Ranbir Kapoor Iyo Sonam Kapoor oo xiligaas fanka ku cusbaa shah rukh khan ayaa gabi ahaanba bur-buriyay filimka Saawariya

kaaso kaliya boxx office ka kasoo xareeyay 20.92 crore isagoo noqday filim Disaster ah halka shah rukh khan filimkiisa Om shanti om uu keenay 78.16 crore

5. Don ( Hit ) Vs Jaan-e-mann ( Flop)

waqtiga la daawaday : 20 october 2006

salman khan iyo akshay kumar ayaa waxa ay isku biirsadayn sidii ay meel ay u saari lahaayeen shah rukh khan laakiin iyaga ayaa meel saaray maadaama shah rukh khan filimka uu ku xarakeeyay ee Don uu si weyn kaga awood badiyay salman khan iyo akshay kumar filimkooda Jaan-e-mann

filimka Don ayaa waxaa uu boxx office ka ka keenay 50.34 crore halka Salmam Khan Iyo Akshay Kumar Filimkooda Jaan-E-mann isagana uu keenay 25.12 crore waanna filim flop ah

6. Chennai express ( Blockbuster ) Vs Once Upon a time in mumbai ( Flop)

waqtiga la daawaday : filimka once upon a time in mumbai waxaa markii hore la qorsheeyay in la daawado 8 august laakiin kooxda filimkan ayaa waxa ay maalintaas ugu cararayn shah rukh khan iyo filimkiisa chennai express iyagoo hal usbuuc dib u dhigtayn daawashada filimkooda waxaana once upon a time in mumbai tiyaatarada la saaray 18 bisha august

laakiin akshay kumar iyo kooxdiisa midaas xitaa kama aysan bad-baadin sababtoo shah rukh khan filimkiisa chennai express kaaso hal todobaad tiyaatarada ku horeeyay  ayaa waxa todobaadkiisa labaad daadka qaadsiiyay Akshay Kumar filimkiisa Once Upon A time In Mumbai

maadaama Shah Rukh Khan filimkiisa Chennai express uu soo xareeyay 207 crore halka One Upon A Time in Mumbai Isagana Uu Soo xareeyay 58,49 crore waana filim flop ah

7. Jab Tak Hai Jaan ( Hit ) Vs Son of Sardaar ( Hit)

waqtiga la daawaday : 13 november 2012

yash chopra filimkiisa Jab Tak Hai Jaan ayaa noqday filimka la yimaadaa hadal-hayn aan innaba caadi ahayn maadaama lagu mideeyay Shah Rukh Khan , Katrina Kaif Iyo Anushka Sharma kaaso ahaa filim jaceyl sadex geesood ah waxaana filimkan si weyn usoo dhaweeyeen daawadayaasha

halka Ajay Devgan filimkiisa Son of Sardaar isagana waxa uu gaaray natiijada hit laakiin waxaa kaliya ku adkaatay inuu gaaro ama uu keeno lacagta uu soo xareeyay filimka Jab Tak Hai Jaan kaaso keenay 101.59 crore halka Son Of Sardaar isagana uu soo xareeyay lacago dhan Rs 88.68 Crore

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*