Aamir Khan iyo sababta uu filimka cirbixiyeen Rakesh Sharma noloshiisa looga hadlaayo u diiday sameyntiisa

Mr. Perfectionist Aamir Khan ayaa sanadkan waxa uu niyad-jab weyn uu ka qaaday guul-darada filimkiiisa thug of hindustani maadama aktarkan uusan ahayn aktar si dhakshi leh kaga soo kaban kara guul-darada ku dhacday sababtoo amir khan uu caado ka dhigtay inuu labadii sano hal filim la yimaado

iyadoo dhawaan aktarkan uu si lama filaan ah isaga baxay sameynta filimka nolosha cirbixiyeen Rakesh Sharma looga hadlaayo kaasi oo 30-sano ka hor noqday cirbixiyeenki ugu horeeyay ee Hindi ah kaasi oo dayaxa sare gaaro kaaso hadda qaatay aktarka shah rukh khan

Filimkaan ayaa waxa magac ahaan loo bixiyay Solute ayaa la sheegay in aktarka amir khan uu markii hore uu ahaa dooqa kowaad ee filimkan laakiin uu iska diiday  inuu sameeyo mashruucan

Marka hore waxaa la sheegay in Aamir sameynta filimka Salute isaga dhaafay is fahan daro soo kala dhex gashay isaga iyo kooxda mashrucaan wadato.

Balse arinka sidaas ma ahan qof aad ugu dhow Aamir Khan ayaa Movie Talkies u sheegtay in Superstar-kan  ayaa doonayay in filimka thug of hindustani uu ka dhigo filimkiisa ugu dambeeyo ee shirkad banaanka ah u sameeyo maadama filimka thug of hindustani ay iska lahayd shirkada yash raj films

Wixii markaas ka dambeeyo Aamir Khan wuxuu qorsheestay 10-ka sano ee socoto kaliya inuu sameey filimada shirkadiisa Aamir Khan Productions maal galineyso.

Aamir wuxuu qorsheenayaa aflaan taxano ah in shirkadiisa bilaawdo sameyntooda sidoo kalena isagana uu 2019 sameeyo filim uu Director ka yahay lana daawan doono 2020 balse lama xaqiijinin inuu hogaamiye ka noqon doono.

Sidaa darteed Aamir Khan filim uusan isaga iska laheyn ma sameyn doono 10-ka sano ee socoto waa sida laga soo xigtay dadka isaga aadka ugu dhow.