Connect with us

SHEEKADA FILIMADA

8 Atirisho Ee Bollywoodka Katirsan Kuwaaso Salman Khan Ku Sigtay Inuu Guursado

Published

on

Mega Star Salman Khan oo maanta atooraha hindiya ugu awooda badan ayaan idiin kaga heyna warbixino noloshiisa gaarka ah kusaabsan kuwaaso ka hadlayaan xiriiradii uu soo sameyay.

Salman waxuu ku sigtay 8 atirisho oo Bollywoodka katirsan kuwaaso maanta caan ah inuu guursado misane la aqal galo xiliyo kala duwan maadaa uu 8 atirishoba uu xiriir lasoo sameyay xiliyo kala duwan.

Khan guurka calaf umaleh ayaad isleedahay maadama maaanta uu 53 sano kusii dhowyahay walina uusan guursanin waana doobka ugu weyn hindiya kaasona ugu caansan.

Fadlan Halkaan Hoose Kaga Bogo Salman Khan Iyo 8 Atirisho Ee Uu Kusigtay Inuu Guursado:

Sangeeta Bijlani:

Salman gabadhii ugu horeysay ee uu xriir la sameyo waxay ahed Sangeeta waana markii ugu horeysay ee ay saxaafada Salman gabar kula xamato inuu xiriir la leeyahay.

Quruxleydan Salman mudo ayuu la socday heer Bollywoodka oo dhan lagaga xanto sido kalena waxaa la islahaa wuu guursan doona maaadama mudo la wad waday xiliga ay isguursan doonan sida maanta Sonam, Deepika, iyo jilayaal kaleba guurkoda lo wad wado.

Balse lamaanahan wey isku dhaceen sababtedana lama garanaayo markii dambena wey kala hareen qof walbana nolol cusub iyo lamaane cusub ayuu sameystay.

Somy Ali:

Kadib markii uu Salman xiriirka u jaaray Sangeeta waxuu bartay Somy Ali oo uu buuqi Sangeeta kaga nastay Somy 15 jirkeedi aye Salman ku jeclaatay waligedna waxay rabtay iney hesho Salman.

Waxay ahed joornaaliste reer Pakistan ah balse atirisho Bollywood isku bedeshay waxayna hanatay jaceylka Sallu mudo ayeena farxad isaga dhex jirtay balse halmar aye goaan ku gaartay iney xiriirka u jarto Salman weyna kala tageen.

Somy saxaafada waxay u sheegtay in ay udulqaadan weysay qamriga faraha badan ee uu Salman cabi jiray xiligaas isagoo balwad ka dhigtay maandooriye sido kale Salman dhankiisa waxuu saaxibadisa Bollywoodka ugu sheekeyay in Somy tahay qof dabeecad xun oo aan lala noolan Karin sidaasna isaga fogeyay.

Aishwarya Rai:

Aish waxay ahed gabadhii sedexaad ee uu Salman xiriir la sameyo waxayna isku barteen filmka Hum Dil De Chuke Sanam ee uu Sanjal Leela Bhansali iska lahaa.

Salman aad ayuu oga helay Aish markii uu kula kulmay sameynta filmkaan balse Aish ayada ma ahen qof horey kala soo booda jaceylka ee Salman ayaa in badan laga dareemay sida uuugu batay dhanka Aish.

Ilaa laga soo gaaro bilawgii qarnigan jaceylkooda waxuu ahaa mid tusaale loo soo qaado aad ayeena isugu fiicnayen balse wax walbo waxay qasmeen markii Salman yimid goobta filmka Chalte Chalte lagu duubayey ee uu foodo ka kaciyay.

Waxuu si qalad ah ufahmay Aish sido kalena saaxiibkisa SRK ayuu iskudiray maadama si qaldanuu ula dhaqmay sido kale Aish dabeecad kulul ayuu kala dul dhacay midaasna wey xamili weysay iyo arimo badan oo ay kaga sheegatay jilaagan marki dambena xiriirka aye ujartay  ayadoo ugu dambeyn guursatay Abhishek balse waxay u badned Aish inuu guursan rabay Salman.

Sneha Ullal:

Mudo aye Bollywoodka dhihi jireen,”Salman waxu helay gabar Aish u ek oo uu jaceylkii Aishwarya ku hilmaami doono” waxaa xaqiiqo ah in Aishwarya ay jeclaatay Salman mudana ay si dhaqsi ah ku hilmaami weysay jaceylkiisa balse dabeecad xumo uu waagaas lahaa ayuu quruxleydan ku waayey.

Kadib Salman waxuu soo  caanbixiyay gabadha Aish u eke e Sneha kuna soo caan baxday filmka Lucky asal ahaana gabadhaan waxay saaxibo ahaayen Salman walaashisa Alvira halkaasna ay isku barteen iyada iyo Salman mudo gaaban aye sheekadoda socotay durbana safaaradaha aye kala qaaten inkasto la islahaa wuu guursan doona hadana calafka Salman ayaa meel kale ahaaday oo ilaa hada ma noqon qof guursaday.

Lasoco Qeybta labaad iyo 8 Atirisho Ee Salman Khan Ku Sigtay Guurkoda…..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin kudhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo kadibna Back dheh oo isaga bax Mahadsanid…

ARRIMAHA BULSHADA

Wax ka ogoow taxanaha turkiga gilgilay ee Hercai xiliga uu dhamaan doono qeybtiisa koowaad iyo hadii uu leeyahay qeyb labaad.

Published

on

15kii Marso ee sanadkaan waxaa gudaha Turkiga laga sii daayay taxane loogu magac daray Hercai asigoona ka baxa kanaalka Turkiga ee ATV habeen kasta oo jimce sabti soo galeyso.

Taxanahaan ayay daawadayaasha si aan caadi aheyn usoo dhaweeyeen asigoo gudaha Turkiga Ratinkiisa uu gaaray  17 TRB sidoo kalana Youtubka ayaa si waali ah looga daawanayaa xili xalqadiisii koowaad ay gaartay 19M views waxaana layaab leh in xalqadiisii ugu dambeysey ee habeen hore lasii daayay barta Youtubeka ka daawatay 6.8M views.

Hadaba taxanahaan oo haatan marayo xalqada 10aad ayaa lagu soo waramayaa in qeybtiisa koowaad ay tahay 12 xalqo taasoona ka dhigan in labo isbuuc kadib taxanahaan la joojin doono.

Sida wararka sheegayaan taxanahaan waxaa laga sameyn doonaa qeyb labaad balse bilaha Juun iyo July taxanahaan lama daawan doono iyadoona jilyaasha fasaxa samarka lasiin doono waxayna duubista taxanahaan dib u bilaaban doonto bisha Agoosto asigoona TVga toos loo saari doono bisha September.

Taxanahaan ayaa kamid ah kuwa ugu guulaha badan turkiga kuwaasoo fagta hore si waali ku gadmeen

Continue Reading

SHEEKADA FILIMADA

Sheekada Filimka De De Pyaar De Ajay Devgn wuxuu la yimid sheeko dheeli tiran oo aan laga xiiso dhigeyn

Published

on

Hordhaca:

Bulshada Hindiya wey aqbalaan marka haweeneey dhalinyar guursato nin da’ ahaan ka weyn balse inta badan dood waxaa laga keenaa marka lamaanaha is guursanayaan farqiga da’da u dhaxeyso aad u sareyso.

Haddaba Director Akiv Ali wuxuu doortay fariin waaqici ah oo ka hadleyso nin reer leh oo xiriir la wadaagayo gabbar uu 25-sano ugu yaraan ka weyn yahay iyo jah wareerka nololeedka ee uu dhexda ka gelaayo.

Jilaayaasha filimkan: Ajay Devgn, Rakul Preet Singh, Tabu, Jaaved Jaaferi, Alok Nath, Jimmy Sheirgill, Sunny Singh, Madhumalti Kapoor, Kumud Mishra, Inayat, Bhavin Bhanushali, Rajveer Singh

Director: Akiv Ali

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 15 daqiiqo

Fariinta Filimkan Oo Kooban: DE DE PYAAR DE waa sheeko jaceyl oo ka duwan kuwii aan horey u arki jirnay. Ashish (Ajay Devgn) waa 50-jir London ku nool waxayna kala tageen xaaskiisa Manju (Tabu) balse weli maxkamada ma aysan kala furin.

Haddaba Ashish (Ajay Devgn) maalin ayuu ka qayb galaa saaxiibkiisa xaflad meher uu dhigtay waxayna goobta isku arkayaan Aisha (Rakul Preet Singh) oo ah gabbar 26-jir ah waana gabbar madax banaan oo bulshaawi ah aadna u fur furan waxaana dhaceyso in gabadhaan iyo Ashish (Ajay Devgn) fagta hore iska helaan.

Si dhaqsi ah ayay hal meel u wada dagayaan inta ay London wada joogaan, balse marka ay guur ka wada hadlaan Ashish (Ajay Devgn) ayaa arinkan ka laba labeenayo balse wuxuu ogaanaa sida ay Aisha (Rakul Preet Singh) u jeceshahay wuuna ka aqbalaa inuu guursado.

Ashish (Ajay Devgn) wuxuu go’aan ku gaaraa jaceykiisa Aisha (Rakul Preet Singh) inuu geeyo halka uu kasoo jeedo Manali si waalidkiisa ay jaceylkiisa cusub u aqbalaan weliba cidna ma war galinaayo marka uu Hindiya gaar ahaan deegaankiisa ku laabanayo.

Laakiin Ashish (Ajay Devgn) marka deegaankiisii hore ku laabto wax walbo wey ka qasmayaan waxaa goobta kaga horeyso xaaskiisii ay isku dhacsan yihiin Manju (Tabu), gabadhiisa Ishika (Inayat Sood) iyo wiilkiisa Ishaan (Bhavin Bhanushali) waxaana qorshahan ka dambeeyeen aabihiis Alok Nath iyo hooyadiis Madhumalti Kapoor.

Haddaba aqalka waxaa ka dhalan doono jah wareer xoogan markii Aisha (Rakul Preet Singh) oo horey u yaabaneed dabina kusoo dhacday waalidiinteeda goobta imaanayaan si ay guurkeeda Ashish (Ajay Devgn) uga qayb galaan laakiin Maju (Tabu) seygeeda ma dooneyso in maxkamada toos u kala furto waxayna bilaabeysaa dagaal maskaxeed iyo loolan ay seygeeda ku heesaneyso inkastoo aysan mudo nolol wadaagin.

Filimka De De Pyaar De qaybaha dambe waxaa Ashish (Ajay) iyo Aisha (Rakul Preet Singh) caqabad walbo inta gudbaan ma is gursan doonaan? Sidoo kalena Majnu (Tabu) seygeeda ma ceshan doontaa mana ku guuleesan doontaa dagaalka iyo loolanka ay la galeyso gabbar da’ahaan ka yar sidoo kalena dhanka soo jiidashada kaga saameyn badan?

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka De De Pyaar De?

Luv Ranjan sheekada uu qoray waa mid xiiso badan horey u socod leh qof walbana fahmi karo laguna kabay mada daalo iyo dareen qiiro badan waana waxa ugu weyn ee sababo aflaanta shactirada iyo jaceylka inay daawadayaasha ka helaan.

Director Akiv Ali uma eko qof markii ugu horeesay filim agaasimay waayo sheekada qoran ee gacanta loo galiyay qaabka uu isugu daba riday ayaa heer sare ah wuxuuna ku xeel dheer yahay sida qoysaska loo kasbado waana hubaal in filimkan uu Akiv Ali aqoonsi deg deg ah ku heli doono madaama uu fariintiisa si heer sare ah dhan walbo isugu dheeli tiray.

Bandhiga Jilaayaasha:

Ajay Devgn sida caadiga ah door dhib ku ah ma jirto sameyntiisa waana arin uuba ku xeel dheer yahay shactirada iyo jaceylka haddii hal fariin la isugu keeno si heer sare ah oo masuuliyad ka muuqato ayuu doorkiisa u matalay weliba daawadayaasha wey ka heli doonaan in filimkan lagu kabay muuqaal sida Libaaxii Singham asigoo iska dhigaayo weliba waa loo sacabo tumi doonaa.

Atirishada Rakul Preet Singh xidig banaanka ku dhacday ayay Koonfurta ka tahay markaana Bollywood-ka aqoonsiga ay uga baahneyd mashruucan ayay ku heleysaa madaama door adag laga siiyay weliba halka saac hore kaalinteeda waa mid muuqato.

Tabu inaba caadi ma ahan xidigtan waaya araga ah halka saac dambe marka ay shaashada soo gasho xitaa Ajay ayay gadaal iska marisay waxayna xaday dareenka iyo mada daalada filimkan loo daawan doono iska hilmaan sanadki hore filimkii Andhadhun bandhiga ay ka sameesay markale Tabu kaalin lixaad leh ayay ka qaadatay filimka De De Pyaar De waana atirisho aan marnaba cariiri la galin karin jiliin ahaan.

Jimmy Sheirgill doorkiisa qaybta dambe isaga waa mid filimkan shactiro iyo jah wareer kusoo kordhiyay daawadayaashana ka heli doonaan. Sidoo kale dhamaan jilaayaasha kale ee caawiye ahaan ama muuqaal kooban ku leh filimkan doorarkooda si heer sare ah ayay kaga baxsadeen si gaar ah Jaaved Jaafery iyo Sunny Singh halka saac hore si wacan ayay u shactireenayaan.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka De De Pyaar De:

Qaabka sheekada loo dhigay oo heer sare ah mada daalo ahaan iyo qiiro ahaan.

Qaabka filimkan loo faaf reebay iyo goobaha lagu duubay waa kuwo 100% dheeli tiran.

Bandhiga Tabu inaba caadi ma ahan weliba halka saac dambe xidigtan sida ay filimka ula wareegeyso.

Filimkan wuxuu ku dhamaanayaa si heer sare ah oo weliba tilmaameyso in qayb labaad laga sameyn karo.

Muxuu Ku Liitaa Filimka De De Pyaar De:

Fariintiisa ayaa u muuqato mid reer magaalka ah ama dadka ilbaxda ah ee dabaqada sare loogu tala galay.

Waxaa fiicnaan laheyd waqtiga uu soconaayo in 15-daqiiqo laga yareeyo lagana dhigo filim 2-saac oo qura soconaayo.

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 4/5 (Afar Xidig)

Gunaanad: De De Pyaar De waa filim jaceyl iyo shactiro reer magaalka loogu tala galay fariintiisana si heer sare ah loo diyaariyay waxaa intaas u dheer bandhiga jilaayaasha oo aan kala dhicin iyo xiligan oo daawadayaasha aflaan mada daalo qoysaska loogu tala galan u baahan yihiin ayaa sababi doonto inuu Boxoffice-ka wacdaro ka dhigo guul lixaad lehna gaaro.

Fadlan hoos kaga bogo goos gooska filimka De De Pyaar De adigoo ka heli doontid dhan walbo:

Continue Reading

ARRIMAHA BULSHADA

Warbixin ku saabsan taxanaha sida weyn loo sugaayo ee Afili Ask iyo sheekadiisa oo xiiso leh.

Published

on

Taxanaha Afili Ask waxaa aktar ka ah Caglar Ertugrul oo ah hogaamiyihii taxanaha hirgalay ee Fazilet Hanim ve Kizlari iyo atariishada Burcu Ozberk oo horay nooga yaabsatay taxanihii Gunesin Kizlari.

Taxanahaan oo ah nooca Romantic Comedy ayaa soo dhaweyn ballaaran ka helay gudaha Turkiga iyo daafaha caalamkaba maadaama goosgooskiisa si weyn loo daawaday.

Sheekada taxanahaan ayaa waxay ka bilaabaneysaa;

Caa’isha (Burcu) waa gabar wanaagsan lkn cilada ay leedahay ayaa waxay tahay khaladaadka iyo arimaha xun xun si kas ayay u sameysaa ilaa heer ay gaarto in saaxiibadeeda ugu magac daraan gabadhii xumeyd.

Maalin ayaa waxaa dhaceyso in caa’isha ay aragto in saaxiibteed ugu dhaweyd ay khiyaano ku sameysay isla markaasna iyada iyo xabiibkeeda jaceylkeeda ah ay khiyaaneen.

Caa’isha arintaas way ka carooneysaa sidaas darteed si ay uga aarsato waxay sameyneysaa fal layaab leh.

Caa’isha ayaa guursaneyso qof aysan jecleyn waana ninka ay shirkada qoyskiisa ka shaqeyso ee Karam (Caglar).

Hadaba suaasha waxay tahay caa’isha sidee arinkeeda u maareyn doontaa?

Guurkaas ay Karam guursatay makaga aarsan doontaa saaxiibteeda iyo xabiibkeeda khiyaanay mise jaceylka Karam ayay ku dhici doontaa?

Caa’isha falalka xun xun ma iska dhaafi doontaa mise wey kasii dari doontaa?

Sheekada txanahaan ayaa waxay ku hareereysantahay shirqool Comedy ah iyo jaceyl dhex mari doono 3 wiil iyo sadax gabdhood.

Taxanahaan ayaa kasoo gali doono TVga Turkiga ee Kanal D adigoo isla maalinta xigta ka daawan kartid Youtubka asigoo Turki ah silamid ah asigoo carabi ku turjuman.

Wali lama shaacinin waqtiga sida rasmiga taxanahaan loo baahin doono iyo isbuuc kasta habeenka uu soo gali doono sidaas owgeed dib ayaan idiin kala wadaagi doonaa wixii kusoo kordho.

Continue Reading
Advertisement
Nolosha Jilayaasha1 hour ago

Xaqiiqooyin U Gaar Ah King Of Bollywood Aka Shah Rukh Khan Wax Qaas Ah Ka Ogow!!

Nolosha Jilayaasha2 hours ago

10-ka Atoore Ee Bollywoodka Katirsan Kuwaaso Dhanka Action-ka Looga Haray Qeybtii 2aad!!

Nolosha Jilayaasha2 hours ago

Markii Katrina Kaif La Dooransiiyay Sedexda Khans Salman Khan-na Ay Dooratay!!

CIYAARAHA3 hours ago

Dhageyso barnaamijka LIVE NOW (23 May 2019) Warar Sport Update ah kaga bogo

Nolosha Jilayaasha3 hours ago

10-ka Atoore Ee Bollywoodka Katirsan Kuwaaso Dhanka Action-ka Looga Haray!!

Nolosha Jilayaasha3 hours ago

Wa Tuma Shikha Talsania Atirishada Filmka Veere Di Wedding Wax Badan Ka Ogow (+Sawiro)

Nolosha Jilayaasha4 hours ago

Suniel Shetty Wadnaha, Hema Malini Indhaha, Madhavan Kalyaha Iyo Xidigaha Bollywoodka Sadaqeesteen Xubnahooda Kadib Dhimashadooda Qeybtii 2aad (+Sawiro)

Nolosha Jilayaasha4 hours ago

Jilayaasha Bollywoodka Ee Asal Ahaan Miisankoda Culusaa Balse La Dagaalamen Caatana Iska Dhigeen (+Sawiro)

Nolosha Jilayaasha4 hours ago

Jackie Shroff”Waxaan Xidig Caan Ah Noqday Markii Amitabh Bachchan Caruurtisa Saxiix I Weydisteen”

Nolosha Jilayaasha4 hours ago

Marka Ay Dhacday In Amitabh Bachchan Diido Mushaar 10 Milion Rupees Uu Shah Rukh Khan Siiyay!!

Nolosha Jilayaasha4 hours ago

Waa Kuma Xidiga Cricket-ka Ciyaara Ee Kareena Kapoor Ka Hesho Balse M.S.Dhoni Iyo Rohit Sharma Midna Ma Ahan!!

CIYAARAHA5 hours ago

Daawo: Ileen Lacagta Halkaan Ayaa Laga Shabsadaa: 12 Ciyaar-yahan Oo Xirfado Gaar Ah Ku Nool!

WARARKA MAANTA6 hours ago

Big News: Suniel Shetty vs Rajinikanth oo filimka Darbar ku dagaalami doonaan!

CIYAARAHA16 hours ago

Daawo: Caawo iyo Kooxdaada Maxaa Ka Cusub?

Videos21 hours ago

Daawo: Priyanka oo Itoobiya timid, Arjun oo filimkiisa UAE laga mamnuucay iyo arimo kale.

BOX OFFICE6 days ago

5-Arimood oo sababaayo in Ajay filimkiisa De De Pyaar De guul weyn gaaro (+Video)

SHEEKADA FILIMADA6 days ago

Sheekada Filimka De De Pyaar De Ajay Devgn wuxuu la yimid sheeko dheeli tiran oo aan laga xiiso dhigeyn

WARARKA MAANTA7 days ago

Deg Deg: Jilaaga Caanka Ah Isaac Kappy Oo Is Dilay Balse Cafis Weydiistay Madaxweynaha Mareekanka Trump Iyo Sharciga Dalkaas!!

WARARKA MAANTA6 days ago

Kahor Tiger Shroff Disha Waxay Xiriir La Laheed Atoorahan Caanka Ah Dadka Badankoodana Kama Warqabaan!!

WARARKA MAANTA1 week ago

7 Atirisho Oo Bollywoodka Katirsan Kuwaaso Iyagoo Yar Hooyoyin Noqdeen Xitaa 30 Sano Aan Gaarin Qeybti 2aad (+Sawiro)

BOX OFFICE6 days ago

Morning & Noon Update: Filimka De De Pyaar De oo si dhex dhexaad ah ku furmay subaxdii balse Duhurkii ayuu sare u kacay

ARRIMAHA BULSHADA6 days ago

Warbixin ku saabsan taxanaha sida weyn loo sugaayo ee Afili Ask iyo sheekadiisa oo xiiso leh.

WARARKA MAANTA6 days ago

10 Xiriir Jaceyl Ee Dhexmaray Xidigaha Bollywood-ka Kuwaaso Ugu Naxdinta Badnaa Markii Mudo Dheer Oo La Qarinaayey (+Sawiro)

ARRIMAHA BULSHADA6 days ago

War aan u rooneyn dhagaha taageerayaasha Jilaaga Cagatay Ulusoy iyo atariishada Gizem Karaca kuwaasoo oo lagu xukumay xabsi min 9 bilood ah.

WARARKA MAANTA7 days ago

Atariishada Student Of The Year 2 Tara Sutaria Oo Amaan Kala Dul Dhacday Aktar ay Ku Tilmaamtay kan Ugu Shidan Bollywood-Ka, Waa kuma?

WARARKA MAANTA6 days ago

10 Xiriir Jaceyl Ee Dhexmaray Xidigaha Bollywoodmka Kuwaaso Ugu Naxdinta Badnaa Markii Dadka Ay Ogaaden Kadib (+Sawiro)

ARRIMAHA BULSHADA6 days ago

HAWEENEY IYADOO KOOMO KU JIRTA LAGU XAD GUDBAY

WARARKA MAANTA6 days ago

Jilayaasha Bollywoodka Ee Guursadeen Shaqsiyaad Taagero U Ahaan Jireen (+Sawiro)

WARARKA MAANTA7 days ago

Atariishada Weyn Kajol 25 Sano Ayey Fanka Ku Jirtay, Ma Rumeysan Doontid Inta Jeer Ee Ay Baajisay Duubis Film!

WARARKA MAANTA6 days ago

Qalaas Aarohi Oo Dhalo Caloosha Ka Gashay Dhiig Badana Ka Yimid, Netra Wey Geeriyootay, Deep Cidna Kama Guuleysan Karto Iyo Warar Kale!!

WARARKA UGU SHIDAN