8 Jilaa Oo  bollywood  kuwaaso Isku Badalayn Director

 

bollywoodka waa shirkad caalami taaso haysata shaqsiyaad fara badan kuwaaso leh xirfado kala duwan sida qaar waxa ay noqdaan aktar aflaamta sameeya qaarna waxa ay noqdayn director

laakiin shaqsiga inuu isku noqdo jilaa iyo director waa mid aad u dhib badan maadama ay tahay labo shaqo oo aad kala duwan laakiin maanta waxaa ku hayaa 8 aktar kuwaaso ay suurta-gashay inay isku noqdaan aktar iyo director

1. amir khan

aktarkan waxa uu jiliinkiisa uu ku mutaystay in loogu yeero Mr. perfectionist aktarkan ayaa sanadkii  2007 waxa uu isku badalay directorka isagoo sameeyay filimkii Taare Zameen Par kaaso noqday filim ay si weyn u jeclaadaan daawadayaasha waxaana dadaalka amir Kha uu filimkaan ku mutaystay inuu ku guuleysato abaal-marinta national award kaaso ah filimka ugu wanaagsan

2. ajay devgan

ajay devgan waa aktar leh xirfad kala duwan isagoo samayn kara doorar kala duwan sida shactirada , action , laadarnimada iyo doorka jaceylka aktarkan ayaa waxa uu isku badalay director isagoo ilaa hadda sameeyay labo filim kuwaaso kala ah U Me Aur Hum kaaso ay la waday xaaskiisa iyo filimka Shivaay kaaso si weyn loogu amaanay aktarkan

3. naseerudiin shah

aktarkan waxaa lagu tilmaama aktarka ugu Jiliinka Wanaagsan Bollywoodka waxaana uu awood yeeshtay inuu fanka xiligan baaqi kusoo ahaado aktarka ayaa waxa uu Director ka noqday filimka Yun Hota Toh Kya Hota kaaso la daawaday sanadkii hore 2006 inkastoo filimkan uu noqday mid bur-buray laakiin naseerudiin waxaa uu natusay inuu agaasimi karo filim

4. Nandita Singh

atariishadan waayaheeda atariisho waxa ay ahayd xidig soo bandhigi jirtay bandhig cajiib ah waxaana lagu xasuusan doona aflaamteeda kala ah earth , fire iyo bawandar atariishadan ayaa sanadkii 2009 waxaa ay isku badashay director iyadoo sameesay filimka firaaq kaaso laysugu keenay aktaro waa wey sida paresh rawal , naseerudiin shah iyo aktaro kale oo badan

5. hema malini

dream girl atariishadan waxa ay ka mid tahay atariishooyinka ugu quruxda badan ee soo maray fanka bollywoodka hema malini waxa ay
director ka noqotay filimka ay hogaamiya ka tahay gabadheeda esha doel ee Tell Me O Khuda kaaso xitaa ay ku jiraan aktaradda kala ah vinod khanna , rishi kapoor iyo  ninkeeda dharmendra laakiin filimkan waxa uu noqday disaster

6. arbaaz khan

arbaaz khan waxa u ku daalay inuu soo dhaweyn wacan ku helo wajiga aktarnimo laakiin markii u tijaabiyay dhanka director-nimada

waxaana sanadkii 2010  uu director ka noqday filimka weyn ee Dabbang kaaso noqday mid  guuleystay dabbang waxaa loo diiwan-geliyay natiijada blockbuster

7. rakesh roshan

rakesh ayaa ku dhibaanaa inuu waayihiisa inuu aflaamta hogaamiye ka noqdo Isagoo sameyn jiray doorar iska meel dhexaad ah laakiin marka uu ku fariistay kursiga director-nimada

waxa uu noqday shaqsi magac ku dhex leh bollywoodka maadaama uu sameeyay aflaamtii ugu caansanayd 20 sano ee lasoo gudbay sida ka hoo na pyaar hai , koi mil gaya, krish , krish 3 iyo kuwa kale oo badan

8. pooja bhatt

curuda director mahesh bhatt atariishada lagu magacaabo booja bhatt ayaa awoodi weysay inay hogaamiye ka noqoto aflaamta uusan iska laheyn aabaheeda sida sir, sadak, dil hai ka manta nahin,  zakhm, chaahat, junoon,  tamanna , phir teri kahani yaad aayee, tadipaar, iyo aflaamo kale oo badan

taaso loo fasiran karo inuu fanka bollywoodka uu ku hayay aabaheeda ka dib markii ay noqotay director waa mid sameeysatay magac iyo maqaam ay kali ku tahay pooja bhatt aflaamta ay director ka noqotay ka mid ah holiday, jism 2, paap iyo aflaamo kale oo badan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*