9-sano wax filim ah ma sameynin Fardeen Khan haddane waa Milyaneer nolol raaxe leh ku jiro (+Sawiro)

Fardeen Khan 21-sano ka hor ayuu Bollywood-ka kusoo biiray wuxuuna kusoo caan baxay filimkii Prem Aggan wuxuu soo qaatay waqti heer sare ah asigoo filimo badan hogaamiye ka noqday sidoo kalen qaab jilinkiisa waa heer sare balse nasiib daro aflaanta uu hogaamiye ka ahaa intooda badan wey guul dareesteen taasina waxay sababtay inuu fanka kusii waari waayo.

Fardeen Khan 9-sano ka hor ayaa ugu dambeesay inuu door dhameestiran filim ku lahaado waxaana lagu xasuustaa filimkii Dulha Mil Gaya (2010) inuu ahaa filimkiisii ugu dambeeyay ee xidigan quruxda badan sameeyo kadibna miriqdiisa waa la waayay.

Fardeen Khan wuxu 45-sano jirsadya 8 Maarso 2019 waxayna taageeraayiisha u direen fariimo kala duwan oo ay kaga codsanayaan fanka inuu dib ugu soo laabto balse xiiso uma qabo kasoo muuqashada shaashada madaama uu Milyaneer yahay sidoo kalena isaga iyo qoyskiisa nolol raaxe leh ku jiraan.

Fardeen Khan Iyo Hantida Uu Heesto: waxaa la xaqiijiyay in atoorahan uu heesto 280 Crore ($40m) inta badan hantidan dhaxal ayuu ku helay madaama aabihiis Feroz Khan oo xidig weyn ahaa kaga geeriyoday lacagtaan sidoo kale Fardeen guryo aabihiis ku lahaa magaalada Bangalore ayuu dhaxal ahaan u helay waana dhul baaxadiisa lagu sheegay inuu yahay 100 acre. Sidoo kale beer weyn ayuu Fardeen maamulaa oo fardo badan lagu xanaaneeyo wax soo saarna leh aabihiis ayaa uga tagay.

Mashaariicda Uu Haatan Fardeen Wado: xidigan ayaa heshiis la gaaray shirkada guryaha dhisto Godrej Properties waxayna ku heshiiyeen dhul weyn oo Mumbai duleedkiisa ku yaalo aabihiis dhaxal ahaan uga geeriyooday in dhismo laga sameeyo kadibna xafiisyo laga dhigo oo shirkado kala duwan laga kireeyo waxaana mashruucan ku baxaayo 100 Crore ($14m) sidoo kalena faa’iidada mashruucan kasoo baxo 50% Fardeen iyo walaashiis Laila Khan ayaa wada qaybsan doonaan.

Fardeen Khan Iyo Baabuurta Raaxada Ah Uu Heesto: Xidigan waa mid ka helo inuu iibsado gawaarida nooca raaxada ah wuxuuna heestaa baabuurta ugu qaalisan sida Mercedes-Benz S-500 iyo Audi Q7 waxaana qiimo ahaan gawaaridaas lagu sheegay inay joogaan midkii 2 Crore ($287,000) waxaana sidoo kale la sheegay in hoteelada kala duwan Mumbai ku yaalo marka uu arimo ganacsi u tagaayo hadba gaari cusub inuu ku tago!

Fardeen Khan iyo Gabadha U Dhaxdo Ee Caruurta U Heyso: Fardeen wuxuu qabaa Natasha sanadii 2005 ayuu guursaday waxaana gabadhan hooyo u ah atirishadii caanka ahayd Mumtaz waxaana lamaanahan u joogaan labi caruur ah Betidiyani Isabell oo dhalatay 2013 iyo Azari oo dhashay 2017.

Fardeen Khan Fanka Maku Soo Laaban Doonaa: Dhawaan mar saxaafada weydiisay inuu filim jilista kusoo laaban doono wuxuu sheegay in jilaa uu yahay sidoo kalena la socda waxa Bollywood-ka haatan ka socdaan saaxiibo badana uu ku leeyahay balse hawlaha uu masuulka ka yahay awgeed uusan rabin inuu shirkad shaqaale u noqdo oo uu hal ama labo filim u sameeyo halka uu ka dayacmaayo ganacsi malaayiin lacago ah lagu kala helaayo oo ilaalis iyo ogaansho ka rabaan!

Dhamaad,

Waad Ku Mahad Santahay Aqriskaaga.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*