Aamir Khan Jilayaash Uu Bollywoodka Ka Taagero, Filmada Uu Jecelyahay Iyo Sports-ka Qeybta Uu Ka Xiiseyo Wax Ka Ogow!

Mohamed Aamir Hussein Khan oo inta badan loogu yeero magacyada kala ah Aamir Khan, Mr.Perfectionist iyo waliba The Choco Boy waa xidig caan ah oo ku caan baxay aflaamtisa hal abuurka leh ama fikirka cusub ee uu dunida kusoo kordhiyo.

Aamir Khan waa xidiga koowaad ee dhanka hal abuurka ama iskoor cusub sameynta looga haray India oo dhan, hadii uu filim sameyo waa hubaal filimkaas hadii sheekadiisa aysan noqon xitaa sheeko cusub waa qasab in ganacsi cusub uu sameyo filimkaas waqtigaan la joogo.

waayo dunida daafaheeda yuu ninkani magac weyn ka sameystay iyo waliba gudaha India,hadaba waxaan idiin heyna Aamir xidigaha uu Bollywoodka ka taagero, aflaamta uu jecel yahay iyo waliba dhanka Sportska waxyaabaha uu ka xiiseyo.

Aamir Khan xidiga koowaad ee uu taagero u yahay ma aha Big B mana ahan Dilip Kumar ee waa Boqorkii koowaad ee shactirada Govinda.

markaan aan xusaayo magacyada kala ah Big B iyo Dilip Kumar, sababta aan usoo magac qaaday ayaa waxay tahay xidigahas waa xidigo waaweyn shaqsi walboo Indian ah ayaa taagero u ah iskabada daafaha caalmake.

sidaa awged marka laga hadlo atooraha koowad ee uu Super Star Aamir Khan taagero dhab u yahay waa Govinda marka Govinda laga yimaado wuxuu aad u jecel yahay taagerana u yahay xidigaha kala ah Amitabh Bachchan iyo Dilip Kumar.

marka laga yimaado dhanka atoorayasha, dhanka atariishoyinka wuxuu aad u jeclaan jiray daawashadooda xidigaha kala ah Waheeda Rahman iyo Geeta Bali iyo Sridevi.

waxaa soo afareeso Juhi Chawla uu marwalba jeclaan jiray inee filim lasameeso waayo qaab jiliinkeeda yuu aad ola dhacay.

hadaba Aamir dhanka ciyaaraha Sports-ka wuxuu jecelyahay ciyaarta Tenniska iyo ciyaarta Cricket ka.

dhanka aflaamta wuxuu jecelyahay filimkii Pyaasa ee soobaxay sanadkii 1957 oo ay hogaamiye ka ahaayen Guru Dutt, Mala Sinha iyo waliba Waheeda Rahman.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*