Aamir Khan Oo Ka Oohiyay Ama Ka Ilmeysiiyay Divya Bharti Balse Salman Khan Ayaa Garab Istaagay Xilige U Baahned Iyo Sheeko Kaa Qarsoon!!

Divya Bharti waa mid kamid ah atiriishooyinka Bollywoodka ugu quruxda badnaayeen taariikh ahaan iyo kuwooda ugu qaab jiliinka wanaagsan waxayn soo caan baxday dunida oo dhana laga bartay bilawgii 90-maadkii.

Balse xidigtaan oo jaceyl weyn loo qaaday waqtigeedi ayaa dhamaday weyna geeriyootay sanadkii 1993 hadiise ay noolaan laheed hubaal ahaan atirishooyinmkii 90-maadkii loolan adag ayee la gali laheed maadama dhanwalba lagu amaanay xidigtaan mudadii yared ay fanka ku jirtay.

Waxaa dhacday in hada kahor Aamir Khan uu Divya ka ilmeysiiyay xitaa markii uu saxiixday filmka Darr waxuu diiday inuu Divya Bharti la sameeyo filmkaan maadama filmkaan markii hore iyada atiriisho inee ka noqoto loogu talo galay bedelkeedna Juhi Chawla ayuu dalbaday.

Hadaba waxaa lasoo ogaaday khilaafka labadan xidig halka uu kasoo bilaawday waxaa la sheegay in Aamir Khan uu aad u dhibsaday hab dhaqanka Divya Bharti intii lagu sugnaa xaflad ama bandhig faneed London lagu qabanaayey sanadkii dhamaadkii 1992 ilaa bilawgii 1993.

Divya Bharti ayaa iska fogeysay waxa uu ka sheegay Aamir Khan waxayna u tilmaamtay inuu cafis ka dalbado oo uu ka raali gareeyo beenta uu ka sheegay waxay kaloo sheegtay in khalad yar ka dhacay durbana xal loo helay balse Aamir buun buuniyay saxaafadana la wadaagay isagoo been badan ku darsaday waa sida ay iyada sheegtee.

Kadib waxaa dhacday in Aamir Khan uu diiday bandhiga masraxa inuu Divya Bharti la wadaago maadama labadooda loogu talo galay inee masraxa kawada cayaaran kana heesaan waxuuna Aamir sheegay inuu daalanyahay sido kalena necebyahay udhoowanshaha Divya Bhart waxay tiri Divya oo sheekadan hada kahor ka hadleyso.

“Kudhowaad hal saac ayaan qolkeyga kujiray oo aan ku ooynaayey sida uu Aamir dadka hortooda iiga diiday inaan masraxa wada korno balse markii dambe waxaan isku dhiiro galiyay inaan kaligey howsheyda qabsado maadama lacag aan ku qaadanay howshaas nasiib wanaag Salman Khan ayaa meel aan ka filaneynin iiga soo baxay.”

Waxay sheegtay in Salman Khan uu kooxda showga uu ka dhaadhacsiiyay hadii Aamir diiday inuu isaga booskaas galo misane Divya Bharti howsha la qabto maadama uu isaga xita xiiso gaar ah uu u qabay wada shaqeynta Divya Bharta dhanka kale xidigtaan intii ay nooled Salman marwalba wey u mahadcelin jirtay maadama uu sharafkeeda badbaadiyay aadna wey u xushmeyn jirtay sababto ah dadka waxay iska dhaadhicin lahaayen in Aamir diiday Divya balse sheekada waxaa laga dhigay Aamir uu daalay Salman ayaa booskiisa galay.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*