Aan isla aragno wajiyada ay Ranveer Singh iyo Alia Bhatt ku jilayaan filimka Gully Boy (+Sawiro)

Shaki marnaba lama galin karo Ranveer Singh iyo Alia Bhatt inay yihiin labada jilaa ee xiligan Bollywood-ka ku faanaan madaama ay door walbo sameyn karaan sidoo kalena aflaanta wajiyo kala duwan kusoo bandhigi karaan inta arkay mararka kala duwan.

Haatan waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay wajiyada ama aragtiyada kowaad Ranveer Singh iyo Alia Bhatt ku jilayaan filimka Gully Boy oo xambaarsan fariin waaqici ah kana hadlaayo dhalinyaro wadooyinka Mumbai kusoo bar baareen ilaa marka dambe fanka dhanka muusigada heer wacan ka gaareen.

Gully Boy waxaa la daawan doonaa 14 Feb 2019 ama maalinta jaceylka aduuna waxaana Director ka ah gabadha lagu magacaabo Zoya Akhtar halka Ritesh Sidhwani, Zoya Akhtar iyo Farhan Akhtar ay isla maal galiyeen waxaana dhawaan lasoo bandhigi doonaa goos gooska filimkan.

Gully Boy waxaa xiiso gaar ah u yeelayo in Ranveer iyo Alia markii ugu horeesay shaashada lamaane ku matalayaan sidoo kalena doorar dagan oo waaqici ah ayay ku jili doonaan waana labadii sanadka aan dhawaan kasoo gudubnay Bollywood-ka wacdaro ka dhigeen madaama Alia Bhatt filimka Raazi Hindiya ku qabsatay oo Big HIT ahaa halka Ranveer 2018 isaga lagu xasuusan doono madaama Padmaavat uu guul ku bilaawday halka Simmba uu guusha sanadka kusoo qatimay labo filim oo Big Hits ah.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.