Ahan Shetty oo sawiro laga qaaday xili uu kulan qado la qaadananayay jaceylkiisa Tania Shroff (+Sawiro)

Atooraha caanka ah Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty dhawaan ayuu Bollywood-ka kusoo biiri doonaa balse inta uusan shaashada kasoo muuqanin ayuu wiilkaan saaxiib la noqday saxaafada Hindiya.

Sababta ugu weyna waxay tahay xili walbo in sawir qaadayaasha noloshiisa gaarka ah macluumaad kasoo gudbiyaan gaar ahaan marka uu kulamo la qaadanayo gabadha uu saaxiibka la yahay Tania Shroff.

Shy No More!

Ahan Shetty weli asigoo atoore ama xidig noqonin ayay dhalinta iska jecel yihiin marwalbana sawir la galaan sababtana waxay tahay inuusan dadka iyo saxaafada ka cararin oo uu si caadi ah ula fal galo.

Ahan Shetty iyo jaceylkiisa Tania Shroff ayaa kulan qado banaanka Mumbai ku wada qaateen waxaana sawiro kala duwan ka qaaday saxaafada.

Ahan Shetty takes the lead

Ahan Shetty iyo Tania Shroff xiriirkooda waa mid la wada ogyahay oo aan qarsooneyn xitaa dhawaan gabadhaan waxay ka qayb gashay Ahan hooyadiis xafladii sanad guuro ee loo dhigay.

 

Sidoo kale Tania Shroff waxay saaxiib dhow la tahay Ahan walaashiis ka weyn Athiya Shetty oo iyadana ah atirisho Bollywood-ka ka tirsan.

Ahan Shetty s girl is a shy girl

Ahan Shetty dhamaadka sanadkaan ayuu filimkiisa kowaad duubis ku bilaabi doonaa waana filim Action iyo jaceyl isku jiro oo uu soo saare ka yahay maal galiyaha caanka ah Sajid Nadiadwala.