Aishwarya Ria Bachchan iyo markii ay iska diiday iney la shaqeyso aktarka caanka ah ee Hollywoodka Brad Pitti . ogoow sababta.

 

 

Aishwarya Rai oo kamid ah atariishooyinka ugu quruxda badan sidoo kalana qeyb ka ah kuwooda ugu caansan ee ka tirsan shirkada aflaamta Bollywoodka ayaa sanadkii 2004tii iska qasaarisay jaanis muhiim ah kaasoo ay ku noqon kartay atariisho caalami ah.

Inkastoo Aishwarya Rai Bachchan ay jishay aflaam badan oo Hollywood ah sida  The Pink Panther 2,  Provoked, The Last Legion iyo The Mistress of Spices hadana filimka Troy oo uu hogaamiye ka ahaa aktarka caanka ah ee Brad Pitti waxay ku heli laheyd aqoonsi caalami ah maadaama doorkii ay iska diiday ay jishay atariishada reer Australia ee Rose Byrne oo aqoonsi caalami ah ku heshay.

Sababta ay Aishwarya Rai isaga diiday doorkaas ayaa waxay aheyd in ay qasab aheyd in shaashada kula wadaagto aktarka filimka ee Brad Pitti muuqaalo dareen ah sidaas ayayna doorkaas ku weysay.

Filimka Troy waxaa Directed ka ahaa Wolfgang Petersen ayadoo uu aktarka kowaad ka ahaa Brad Pitti waxaana ku wehliyay labada aktarka eek ala ah Eric Bana iyo Orland Bloom waxaana lagu qarash gareeyay lacag dhan 185 Million wuxuuna gudaha mareykanka iyo daafaha caalamkaba kasoo xareeyay 497.4 Million waxaana la daawaday 14tii May 2004tii.

 

Hadaba akhristow makula tahay in Aishwarya Rai iska khasaarisay fursad weyn oo soo martay?