Ajay Devgan” Lata Mangeshgar Xor Ayay U Tahay Inay Na Dharbaaxdo Lakiin Ma Ahan Inay Saxaafada Horteeda Nagu Dhaleecayso”

maanta waxaa tiyaatarada la saaray filimka weyn ee Total Dhamaal kaaso ay hogaamiye ka yahay aktarka Ajay Devgan waxaana ku wehliyaan aktarada kala ah Anil Kapoor, Mandhuri Dixit , Arshada Warsi , Ritiesh Dushmukh iyo aktaro kale oo badan

dhawaanahan waxaa socday dhaleecayn ku aadan heeska dib loo cusbeeneysiiyay ee Mungda kaaso ku jirta filimkan waxaana heeskaas sameesay atariishada Sonakshi Sinha

heeska Mungda waa mid ka mid ah heesaha ugu caansan kaaso la qaaday xiligii 70s waxaana heeskan qaaday fanaanada lagu magacaabo Usha Mangeshkar taaso ah walaasha ka yar fanaanada Lata Mageshkar waxaana heeskan sameesay atariishada dance-ga looga haray ee Helen

heeskan waxaa hore u dheecayn Fanaaniinta bari-samaadkii sida Rajesh Roshan , Lata Mangeshkar Iyo fanaanada heeskan iska lahayd Usha kuwaaso sheegayn in meel looga dhacay sharafta heeskan

laakiin markan waxaa arrintan ka aamusi waayay hogaamiye filimkaas aktarka Ajay Devgan isagoo sheegay in xiligan casrigan inay caado iska noqotay in dib loo qaado heesihii hore isagoo sheegay in si weyn u xushmeeyo fanaanada Lata

Ajay oo hadlaya waxa uu  yiri ” aniga waxan ka mid ahay taageerayaasha fanaanada Lata Mangeshkar muddo badan sababtoo ah waa qof leh cod macaan iyo xushmad balaaran

laakiin Lata hadii uusan qancin heeskan lama rabin inay saxaafada nagu dhaleecaydso ee waxaa loo baahna inay horteena timaado sidoo kalena ay gacanteeda nagu dharbaaxdo

midaas waa mid kaliya aan qaadan karno laakiin dhaleecaynta saxaafada horteeda waxa ay dhibaato u geysanaysaa dhamaan filimka “