Ajay Devgn Oo Dib Inoo Xasuusinaayo Waayihii Phool Aur Kaante Iyo Aragtida Kowaad Filmkiisa De De Pyaar De Oo Lasoo Bandhigay!!

Bollywood Action Hero Ajay Devgn waxaa maanta laga soo bandhigay isagoo labadiisa lugood laba gaari kala saartay dhinacyadana ay ka fadhiyaan atiriishooyinka kala ah Tabu iyo Rakul Preet Singh waana aragtida kowaad ee filmkiisa De De Pyaar De.

Ma ahan markii ugu horeysay Ajay ficilkaan cajiibka ah uu sameeynaayo oo Bollywoodka ayuuba kusoo galay inuu laba mooto kala saarto labadiisa lugood xili ay mootooyinka socdaan hadaa xasuusato filmkiisa kowaad Phool Aur Kaante.

Action-kii ugu wanaagsana 90-maadkii ayuu noqday ficilkii uu Ajay Bollywoodka kusoo galay sanadkii 1991 markale ayuu filmkiisa Son of Sardaar isla ficilkaan oo kale ku sameeyay kadib markii la arkay isagoo labada lugood dul saartay laba faras sido kalena ordayaan.

Haddaba Devgna sameeynta ficilkaan wax dabeecad ah ayee aktiisa ka noqotay markaana waa isagoo laba gawaari lugaha kala saartay waxuu soo raaciyay qoraal ah,”ficilkaan guriga haku sameeynin iska jir inaa sameeyso.” sidaa ayuu yiri xidigaan xili uu baraha bulshada kusoo bandhigaayey aragtida mashruucan.

De De Pyaar De Waa film dagaal, shactiro iyo jaceyl isku dhex jira ah waxuuna markii ugu horesay la shaqeyn doonaa atiriishada Rakul Preet maadama Tabu dhowr jeer wada shaqeyeen waxaana filmkaan la daawan doonaa maalinta sanad guuradiisa dhalasho ku beegantahay 2 April ee uu 50 sano jirsan doono.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…