Ajay Devgn Oo Ka Dhawaajiyay Inuu Doon-Doonayo La Shaqeynta Aamir Khan All Time Blockbuster Filo!!

 

Super Star Ajay Devgn waxaa tiyaatarada u saaran filmkiisa Total Dhamal ee uu hogaamiyaha ka yahay inkastoo koox dhan oo shactirada looga haray la jilayaan waana mashruuc lagu kalsoonyahay in badan inuu guul gaaro maadama Devgn filmadiisa u dambeyeen guulo lixaad leh gaareen soo laabasho aan caadi aheyn ayuuna sameynayaa xidigaan.

Waxuu ka dhawaajiyay inuu aad u daneynaayo la shaqeynta saaxiibkiisa Aamir Khan xili wareysi lala yeeshtay ayuun arinkaan ka dhawaajiyay waxuuna sheegay inuuba u xiisay Mr.Prefectionist inee shaashada kasoo wada muuqdan.

Yaa ilaawi kara 90kii oo aheed 10kii sano ee Bollywoodka abid ugu qaalisaneed maadama taariikho caalami ah dhigeen 10kaas sano waxaa kamid ahaa waxyaabihii ugu waaweynaa ee dhacay 10kaas sano in Ajay Devgan iyo Aamir Khan oo maanta ah Super Star waaweyn mid walbana awood kuleh fanka ay midooweyn waqtigaa.

Waxkalo kama wadnee waxaan ula jeedna inee wada sameyeen Filimka Ishq oo ah Super Hit ka ugu weyn tan iyo maanta waana filim jaceyl iyo shactiro iskujirto ah sido kalena ay xidigahan bandhig weyn ku muujiyeen.

Filimka Ishq waxaa wada hogaamiyeen 4 Super Stars waaweyn ah kuwaaso kala ahaa Aamir Khan, Ajey Devgan, Kajol iyo Juhi Chawla waxaana la daawaday sanadkii 1997.

Hadaba atooraha filimka Total Dhamaal Ajay Devgan ayaa wareysiyo xiiso leh mudadan dambe ama maalmahan bixiyana maadama filmkiisa Total Dhamal tiyaatarada usaaranyahay waxaa la weydiyay la shaqeynta Mr.Prefectionist haduu jeclaan lahaa waxuuna ku jawaabay sida tan.

“Waa kuma qofka diidaayo la shaqeynta Aamir (Khan) waa saaxiibkey qaali ah waana u xiisay la shaqeyntiisa waan jeclaan lahaa hadii film nawada qanicya aan heli laheen labadeena waqtigaan la joogo.”

Kawaran oraahda Devgn macquul matahay wada shaqeynta labadan xidig inee ka dhalato All Time Blockbuster kulul maadama Super Stars 22 sano kahor wada shaqeyn isugu dambeysay ay yihiin.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Click Kusiiso Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Click Kusii Mahadsanid…!