Ajith Kumar filimkiisa Viswasam lacagaha lagu iibsaday iyo sida uu FLOP ama HIT ku noqon karo

Thala Ajith Kumar ayaa maanta Koonfur Hindiya heesto gaar ahaan Tamil Nadu madaama filimkiisa Viswasam tiyaatarada la saaray waana filim weyn oo lagu beegay daawashadiisa feestada Pongal ee sanadka cusub ee Tamil ugu dabaal dagaan.

Haddaba waxaan baadi goos u galnay sidoo kalena ugu dambeyntii soo helnay Ajith Kumar filimkiisa Visawasam kooxda cajaladaha qeybiyaan lacagaha ay gobol walbo ku iibsadeen iyo sida uu filimkan weyn FLOP ama HIT ku noqon karo:

Filimka Viswasam suuqa walbo lacagaha kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen fadlan hoos kaga bogo ayadoo muuqato in lacago xoog leh Ajith Kumar filimkiisa lagu gatay ka hor inta aan tiyaatarada la saarin

Tamil Nadu: 52 crore

Karnataka: 4 crore

Kerala: 2.8 crore

Rest of India: 0.6 crore

Suuqyada caalamka: 13.50 Crore

Wadarta Guud Lacagaha Lagu Iibsaday: 72.90 Crore (Worldwide Theatrical Value)

Viswasam waa filimka labaad ee lacagaha ugu badan lagu iibsado Ajith  Kumar sameeyo madaama 73 Crore lagu gatay dibad iyo dal waxaa ka qaalisan oo kaliya filimkii Vivegam oo isagana 86 Crore lagu iibsaday qeybintiisa cajaladaha dibad iyo dal balse nasiib daro Vivegam Flop ayuu noqday.

Filimka Viswasam wuxuu u baahan yahay 140 Crore si uu u noqdo filim HIT ah ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daro wadar ahaan haddii uu 140 Crore ka hoose keeno wuxuu noqon doonaa mashruuc guul dareestay.

Nasiib Wacan Thala Ajith Kumar Oo Filimkiisa Viswasam Maanta Tiyaatarada La Saaray Rajo Weyna Laga Qabo Inuu Ganacsi Xoogan Sameeyo.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.