Akhriso sheeko cajiib ah oo ku tusineyso cadaalada Alle.

Hada kahor nabiyullaahi muuse nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ayaa wuxuu alle weydiistay inuu tuso cadaaladiisa.

Markaas ayaa lagu yiri hadii aad dooneyso inaad cadaaladeyda aragto buur hebla fuul kadib fiiri oo isha kuhay waxa hoosteeda ka dhaco.

Nabi muuse buurtii ayuu fuulay.

Buurta hoosteeda waxaa ku yaalay ceel, Waxyar kadib waxaa meesha soo maray nin faras saaran seef weyna wato iyo lacag badan.

Ceelkii ayuu biyihii ka cabay wuuna iska tagay, lkn lacagtiisii ayuu meesha ku iloobay.

Xoogaa yar kadib waxaa meesha yimid nin ari jir ah arigii ayuu ceelka ka waraabiyay, wuxuuse meesha ku arkay lacagtii, markaas ayuu qaatay oo uu iska tagay.

Markuu ari jirkii baxay ayaa waxaa meesha soo maray nin oday waayeel ah socodka xitaa dhibaayo, siduu usoo luudayay ayuu ceelkii kor yimid.

Asigoo ceelkii dul joogo meeshana ka dhaqaaqin ayaa waxaa ceelkii kusoo laabtay ninkii faraska watay oo lacagtiisii raadinayo.

Odaygii ayuu ku yiri halkaan lacag ayaan ku iloobay qofaan adiga aheyna igama dambeynin ee ama inaan ku dilo ama lacagteydii isiiso?

Odaygii wuu ogyahay inuusan lacagtaa asiga qaadin sidaas darteed ayuu ninkii ugu kawaabay “aniga lacag aad sheegeyso ma arkin ee hadaad idileyso hadaba idil xoolo kaama arkine”

Ninkii faraska watay halkii ayuu odayga ku dilay wuuna iska tagay.

Nabi muuse intaas wuu arkayaa sidey wax udhacayaan.

Allaah ayuu lahadlay asigoo leh “allow sidan cadaalad ma ahan odaygii miskiinka ahaa ee aan waxba galabsan waa ladilay halka kii ari jirka ahaana uu badbaaday ee sidee wax ujiraan?”

Allaah cazza wajalla ayaa markaas ugu jawaabay nabi muuse “tani waa cadaaladeyda waxayna ku dhacday ninka ari jirka ah ee lacagta latagay lacagtaas asigaa iska leh oo aabihiis ayaa laga soo dhacay waana dhaxal.

Odayga la dilayna hada kahor wuxuu dilay ninka faraska saaran aabihiis mana la ogaa.

Sidaas darteed ninka faraska saaran dhiigii aabihiis wuu u aaray asigoon ogeyn lacagtii uu soo dhacayna waa laga celiyay.

Ninka odayga ahna dhiigii uu galay waa laga aaray oo waa nadiif.

Halka ninka ari jirka ahna ii dib uhelay dhaxalkiisa”.

Allaah waa caadil cadaaladiisana marnaba shaki ha galinin.

Waxbaa kugu dhacayo waadna dhibsaneysaa waxaase yaabaa iney shar kuu aheyd oo lagaa marka qadarta Alle iyo cadaaladiisa markasta aaminsanow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*