Akshay Kumar Iyo Mouni Roy Oo Wali Ku Dhexjiraan Xayeysiin U Sameenta Filmkooda Gold (+Sawiro)

Xidigaha kala ah Akshay Kumar iyo Mouni Roy wali waxay ku guda jiraan xayeysiin u sameenta filmkooda Gold oo la daawan doono 15 bishaan Aug taaso ku beegan arbacada inagu soo food leh.

Gold waa film Sports ah oo lagu soo bandhigi doono ciyaarta Hockey-ga Akki-na wuxuu ku jili doonta macalinka ciyaartas halka Mouni xaaskisa jili doonto.

Sidaa aawged hogaamiyasha Gold wali ma aysan nasanin oo waxay ku dhexjiraan xayeysiin usameenta mashruucoda ayagoo maalin walba wareysi horleh bixiyaan saxaafad cusubna la kulmaan.

Halkaan hoose kaga bogo sawirada laga soo qabtay xidigahan: