Akshay Kumar Iyo Xasuusta Uu Aabihiis Ka Heesto Oo Aan Marnaba Qalbigiisa Ka Baxeyn

Super Star Akshay Kumar waa jilaa noloshiisa dhib badan soo maray ilaa yaraantiisa maqaamka uu maanta joogana wax badan ayuu usoo dhabar adeegay inkastoo caqabado badan uusan ilaawi karin uu la kulmay.

Khiladi Kumar noloshiisa gaarka ah inta badan kama hadlo balse mararka qaar oo wax laga weydiiyo waxuu shaaca ka qaada xasuuso badan iyo dhacdooyin badan oo noloshiisa horey u qabsadeen.

Hadaba sawirka sarre waa Kumar oo yar misane la sawiran aabihiis Hari Om Bhatia waana mid kamid ah sawirada xasuusta uu ka heysto aabihiis balse xasuusta uusan marnaba ilaawi karin xidigaan shaaca ayuu ka qaaday.

Sida qoraalka sarre sawirka ku dulqoran waxuu yiri Akki oo ka hadlaayo waxyaabaha uu aabihiis ku xasuusto iyo jadwalkooda hore,”aabahey waxuu igusoo bar-baariyay dishibiliin badan misane adagg waaan xasuusta habeenkii xili hore ayee korontada naga tagi jirtay ama la damin jiray abaaro 8:30 ilaa 9:00 Pm fiidnimo habeenkii.”

“Sido kale anagana sariirtena ayaan tagi jirnay oo waan seexan jirnay xili hore subaxiina aniga iyo aabo aalamiito iyo orod dheer ayaan sameeyn jiray si aan u jimicsano kadib beerta ayuu jimicsigiisa iyo orodkiisa kusii wadan jiray halka ana aan Practise ku sameeyn jiray Kung Fu iyo Karate-ga.”

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…