Home » Nolosha Jilaayaasha » Akshay Kumar “Marnaba Si Dhab Ah Uma Qaato Aragtida Ah Inaan Super Star Ahay”

Akshay Kumar “Marnaba Si Dhab Ah Uma Qaato Aragtida Ah Inaan Super Star Ahay”

Superstar-da Bollywood marwalba waxay leeyihiin naaneysyo u gaar ah, kuwaasoo ay taageereyaashoodu ula bexeen. Tusaale wanaagsan waxaa kuugu filan ‘Shahenshah’ Amitabh Bachchan ama ‘King Khan’ Shah Rukh Khan.

Sidaas oo kale Akshay Kumar wuxuu leeyahay naaneys u gaar ah waana ‘Khiladi Kumar’.  Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu ka mid yahay xiddigaha waqtigaan hogaamiya Bollywood, Akki wuxuu daaha ka qaaday in uusan marnaba si dhab ah isku siinin erayga xiddignimo ama Superstar.

Markii wax laga weydiiyey arrintaan Akshay wuxuu ku jawaabay: “Waxaan dabeecad u leeyahay inaan dhegeysto sheekooyinka dadka inta badan, wax ayaana ka bartaa hadalkooda.

“Waan jeclahay in la iiga sheekeeyo qisooyinkii Rajendra Kumar, Sunil Dutt ama Rajesh Khanna, sidoo kale maalgeliyeyaasha aflaanta ee halyeeyada ah. Khibrad ayaana ka korarsadaa marka aan dadkaas la sheekeysto ama qisooyinkooda la iiga sheekeeyo.

“Si kastaba ha ahaatee, marnaba ma qaato aragtida ah inaan xiddig ahay. Maxaa yeelay waxaan aaminsanahay inay xiddignimadu tahay wax maanta kula jooga balse derejo ahaan aad berri weyneyso”.

Si kastaba ha ahaatee, Akshay Kumar wuxuu daaha ka qaaday in uusan marnaba la yaabi doonin inay taageereyaashiisu ugu yeeraan Khiladi, wuxuuna yiri: “15kii sanno ee ugu dambeysay ayey iigu yeerayeen Khiladi, sidaas darteed xitaa haddii aan sameeyo 50 filim oo kale, magacaani igama hari doono”.