Akshay Kumar Oo Doortay Atariishadan Inay La Samayso Rohitt Shetty Director Ka Yahay Rohitt Shetty Filimkiisa Xiga Ee Sooryavanshi

super star akshay kumar ayaa sanadkan  2019 dhexda ka geli doona mashquul adag madaama ay uu duubis ku wado afar mashruuc oo kala duwan sida filimka kesari oo ay isla jilayaan atariishada parineeti chopra sidoo kale akshay ayaa bilaabi doona duubista aflaamta kala ah good news iyo mission mangal


iyadoo maalin dhawayd aan idin soo gudbinay warara xan ah kaaso ah kadib Simmba in Rohit Shetty oo lagu yaqaano sameenta aflaam Action ah uu markii ugu horeysay la shaqeen doono Super Star Akshay Kumar filmkiisa xigana la sameen doono.

iyadoo midaas ay si rasmi ah u xaqiijiyay director rohit shetty iyo hogaamiyaha filimkaas aktarka akshay kumar laakiin ilaa xiligaas lama shaacin atariishada akshay filimkaas la samayn doonta

laakiin hadda warar soo baxaya war xan ah kaaso ah in atariishada lagu magacaabo pooja hedge inay atariisho kowaad ka noqon doonta la dib markii akshay kumar uu director rohitt shetty ku wer-geliyay inuu pooja hedge kusoo daro mashruucan

pooja hedge sidoo kale waxa ay qayb ka yahay akshay kumar filimka uu hogaamiyaha ka yahay ee housefull 4 waana filim shactiro kaaso la daawan doono dhamaadka sanadkan