Akshay Kumar Oo Lacago Waali Ah Dalbaday Hadiiba Uu Sameeynayo Film Online Ah Iyo Mushaarka Uu Ku Sameeynaayo Filmka Kowaad!!

Waxaa maalmo kahor si rasmi ah shaaca looga qaaday in Super Star Akshay Kumar soo dhex galay nolosha Digital World oo ah sameeynta filmada qaab Online-na lagu daawanaayo.

Waa filmo aan tiyaatarada la saareyn balse si toos Internet-ka looga daawanaayo waxuuna Akki noqday Super Star-kii kowaad ee howshan soo dhex galo maadama Bollywoodka inta badan daneynin aflaamta noocaan ah.

Waxaa la sheegay Akki wiilkiisa Aarav inuu ka dambeyay oo uu aabihiis in badan ku dhiiro galiyay inuu howshan dhex galo ugu dambeyn Akshay waa ogoladay balse shirkada Amazon waxuu hor dhigay shuruud adag taaso ah inuu mushaar waali ah dalbaday.

Wararka waxay sheegayaan in Akshay ka dalbaday shirkadan 90 Crore lacago ah hadii ay doonayaa inuu Film Online ah u sameeyo hadee 90 Crore waa lacago sarre u dhaafayaan 12 Million Dollar.

Shirkadan ayaa durba ogolaatay dalabka xidigaan warkaana ma ahan war shaaca laga qaaday balse waa xog si hoose la isugu gudbiyay waxay kmaloo doonayaan inee Super Stars kale keenan halkaan sida Salman Khan oo la filaayo asna inuu sameeyo film Online ah..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Click Kusiiso Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Click Kusii Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*