Akshay Oo La Weydiiyay inuu Wacay Salman Khan Ka Hor Inta Uusan Ku Dhawaaqin In Filimkiisa Sooryavanshi La Daawan Doono Eid 2020

labo usbuuc ka hor waxaa lasoo bandhigay muuqaalka director Rohitt Shetty filimiisa Ee Sooryavanshi kaaso uu hogaamiya ka yahay aktarka Akshay Kumar kaaso si weyn u qabsaday baraha bulshada

laakiin qof walba waxaa si weyn usoo jiitay marka la shaaciyay taariikhda la daawan doono mashruucan Sooryavanshi kaaso daawashadiisa lagu beegay Eid 2020 waana mid ay si weyn ula yaabayn dadka aflaamta ka faaalooda iyo taageerayaasha aktarka Salman Khan

iyadoo la ogaa in Eid walba inuu Salman Khan leeyahay Tiyaatarada sababtoo kasoo bilow Eid sanadkii 2009 oo xiligaas Salman tiyaatarada loo saaray filimkiisa Wanted ka dib xiligaas kaliya hal jeer ayay dhacday in fasaxa Eid inaan tiyaatarada la saarin filim uu iska leeyahay aktarka Salman Khan

waxaana dhawaan soo baxayay warar sheegayaan inuu akshay kumar la xariiray aktarka Salman si uu u ogeysiiyo ama uu ugu ogalaado inuu Eid 2020 tiyaatarada saarto filimkiisa Sooryavanshi maadaama Salman Khan uu caado ka dhigtay inuh Eid walba la yimaado filim weyn

laakiin akshay kumar ayaa dhawaan wareysi uu badinaayay waxa uu ku beeniyay wax walba oo arrintaas la xariirtay arrintan isagoo sheegay inuusan wicin Salman Khan isagoo si cad ah u sheegay inaysan jirin waqti uu qof si gaar ah u leeyahay sidoo kalena bollywoodka uu yahay mid kaliya laysku ixtiraamo isagoo sidoo sheegay  shaqsi walba inuu xur u leeyahay inuu filimkiisa tiyaatarada saarto waqtiga uu doono

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*