Aktarada Bollywoodka Ee Kala Ah Abishek Bachchan Iyo Ritesh Dushmukh Kuwaaso Baraha Bulshada Si Weyn Ugu Dhaleeceeyeen Weerarkii Ka Dhacay Masaajidka Ku Yaala Dalka New Zealand

Aktarada Bollywoodka waa kuwa markasta si weyn u tix-geliyaan taageerayaashooda maadamaa dadka ay kala dhaqan iyo diin duwan yihiin iyadoo maanta xidagaha bollywoodka ay bilaabayn inay xanuunka la qayb-sadaan taageerayaashooda iyagoo si weyn u dhaleecanayaan xasuuqii loo geestay dadka ku tukanaayay masaajid ku yaala dalka New Zealand

waxaana hore arrintan ugu hadalay aktarka Suniel Shetty kaaso sheegay inuu ka xun yahay dhibka halkaas ka dhacay sidoo kale waxaa markan arrintan ka hadlay aktarka Abishek Bachchan kaaso ka mid ah aktarada ugu caansan gudaha bollywoodka

Haddaba Abishek Bachchan ayaa bartiisa Twitter-ka kaga hadlay dhacdadan xauunka badan wuxuuna yiri “Waxaan ka xumahay dhibaatada loo geestay dadka aan waxba galabsan sidoo kale waxaan tacsi u diraya eheladii iyo qoysaska ay dadkooda ku geeriyoodayn musiibadaas waana arrin si weyn looga xumaado .”

sidoo kale waxaa arrinkan baraha bulshada kaga hadlay Aktarka Ritesh Dushmukh kaaso sheegay inuu la xunuunsanaayo dadkii ay dhibaatada loo geestay

isagoo bartiisa Twitter kusoo qoray ” Waxaan kacnaa subax kasta soo si aan u fidinno jacaylka iyo inaan tirtirno dareenka nacaybka ah. mana haayo ereyo aan ku sharxo dareenkayga

waxaan si weyn u cambaareenayaa weerarka argagixisada iyo dilka loo geestay dadka aan waxba galabsan kuwaaso ku sugnaa  goobta cibaadada waxaan dadkaas qoysaskooda u dirayaa Tacsi .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*